Puntland iyo Khaatumo oo heshiis wada gaaray

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya deegaanada gobolka Sool ayaa sheegaya in maamulka Puntland iyo Khaatumo ku guuleysteen xalinta dagaal beeleedyo ka dhacay deegaanka Qorileey ee gobolka Sool.

Odoyaal iyo waxgarad ku sugan gobolka Sool ayaa ku guuleysteen xalinta labo maleeshiyo beeleed oo ku dagaalamay deegaanka Qorileey ee gobolka Sool, sida Odayaasha iyo waxgaradka Saxaafada u sheegeen.

Waxgarad ku sugan deegaanka Cagaaran iyo Qorileey ayaa sheegay in hishiis buuxa ay kala dhex dhigeen maleeshiyaad ku kala abtirsado maamulka Puntland iyo Khaatumo, gaar ahaan Dhul-bahante iyo Daarood.

Suldaan Maxamuud Xaaji Cagmadhige, ayaa sheegay in muddo badan ay ku mashquuleen xalinta beelaha ku dagaalamay deegaanka Qorileey ee gobolka Sool, laakiin iminka ay ku guuleysteen in xal laga gaaro colaadaha jiray.

Sidoo kale Suldaan Maxamuud ayaa sheegay in Maamulka Puntland uu qeyb ka qaatay  Xalinta Colaadaasi islamarkaana ay uga mahadcelinayaan Arrintaasi.

Sidoo kale wuxuu sheegay in maamulka Khaatumo uu dadaal dheeraad ah u galay sidii dagaaladaasi loo xalin lahaa, haddana guul laga gaaray xiisadaha ka taagnaa Sool iyo Nugaal.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com