YAAB: DF oo shacabkeeda kala safatay Amisom

Muqdisho (Caasimada Online) – DF Somalia ee mas’uulka ka aheyd Shacabka Soomaaliyeed ayaa si cad u beenisay in Ciidamada AMISOM ee jooga dalka Somalia ay dhibaato ku hayaan shacabka Soomaaliyeed.

Dowladu waxa ay sheegtay in Ciidamada AMISOM ay walaal u yihiin Shacabka Soomaaliyeed islamarkaana aysan ka suuroobin inay waxyeeleeyan Shacabka waxa ayna taasi badalkeeda sheegtay in AMISOM ay si saa’id ah ugu danqato dhibta heysata Shacabka Soomaaliyeed.

Max’ed Cabdi Xasan Wasiiru dowlaha Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Somalia, ayaa meel fagaaro ah ka sheegay inay jiraan dad xili waliba heegan ugu jira inay sawir xun ka gudbiyaan Ciidamada AMISOM waxa uun beeniyay in Ciidamada Midowga Africa ee AMISOM ay xasuuq ka geysteen meelo ka mid ah dalka Somalia gaar ahaan Gobolka Shabeelaha Hoose iyo Gobole kale.

Waxa uu hoosta ka xariiqay in dowladda Somalia ay waddo baaritaan la xiriira sidii ay wax uga qaban lahayd dhibaatooyinka jira balse loo baahan yahay in dadku ay ka fiirsadaan Sawirada xun oo ay ka gudbinayaan AMISOM.

Waxa uu sidoo kale beeniyay in Ciidamada AMISOM ay u taagan yihiin inay hor istaagan Somalia oo horumar gaarto, waxa uuna tilmaamay in Horumarka Somalia iyo joogitaanka AMISOM uusan ka dhaxeyn wax xiriir ah.

DF Somalia ayaa inta badan Shacabkeeda u cadaadisa Ciidamada Shisheeye ee ku sugan Magaalada Muqdisho, waana tan keentay in Shacabku ay u hogaansami waayan awaamirta Dowlada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com