Xog: Jahwareer weli haysta Shariif Xasan Sheikh

Baydhabo (Caasimada Online) – Waxaa wali murun xoogan uu ka taagan yahay soo xulista xubnaha baarlamaanka maamulka koofur Galbeed oo dhawaanahaan ka socday magaalada Baydhabo ee gobolka Baay iyo deegaanada maamulka Koofur Galbeed.

Wararka naga soo gaaraya Baydhabo ayaa sheegaya in ku dhawaad seddex degmo dadka degen aysan wali ku qancin habka soo xulista xubnaha baarlamaanka maamulka koofur Galbeed, laakiin waxaa socda sidii dadaka deegaanka loo qancin lahaa.

Deegaanada kala ah Yeed, Caato iyo Ceelbarde ayaa la sheegayaa in dadka ku dhaqan aysan la dhacsaneyn halka loosoo xulayo xubnaha baarlamaanka maamulka Koofur galbeed, dadaalkaasi oo ay wadaan waxgarad ku sugan deegaanadaasi.

Dhanka kale gudoomiye ku xigeenka amaanka iyo siyaasada Bakool  Maxamed Xasan Maxamuud, ayaa sheegay in la qancin doono cid walbaa oo aan ku qanacsaneyn sida ay wax u socdaan.

Dadka deegaanada Bakool ayuu ka dalbaday iney si dhow ula shaqeeyaan maamulka Bakool ayna usoo gudbiyaan dhamaan waxyaabaha ay ka tabanayaan odayaasha dhaqanka ee soo xulista ku mashquulsan, si aan xuquuqdooda loo duudsiinin.

Xildhibaanada baarlamaanka maamulka Koofur Galbeed ayaa qorshaha wuxuu ahaa in lasoo gudbiyo mar hore, laakiin wali caqabad dhanka beelaha ah ayaa hortaagan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com