Yemen oo dadkeeda kala baxeyso SOOMAALIYA

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Yemen ayaa waddo qorshe ay dib ugu celineyso dhamaan qaxootiga kaga sugdan dalka Soomaaliya kuwaasi oo kusoo cararay dagaaladii ka dhacayay magaalooyinka dalka Yemen.

Qunsulka guud ee dowlada Federaalka soomaliya u fadhiya mgaalada cadan ee dalka yamen Axmed cabdi xasan suudaani oo la hadlay Idaacada Risaala ee Mgaalada Muqdisho ayaa sheeegay iney soo celinayaan Soomalida ku sugan dalka Yemen ee doonaya iney dib ugu laabtaa Dalka Soomaaliya.

Qunsulka ayaa sidoo kale sheegay iney qorsheynaya iney arrinta dhaqan geliyaaan oo ay sameeyaan in Soomaalida ku nool dalkaasi lagu soo celi Soomaaliya hadii ay rabaan.

Waxa uu sidoo kale sheegay iney jiraan dad u dhashay Dalka yamen ee ku soo laabtay Dalka. Dalka Yemen ayaa waxaa dhibaatooyin kala duwan marar badan loogu geystay dad Qaxooti ah oo Soomaali ah.

Dhanka kale Qunsulka ayaa sheegay in dowlada Yemen ay waddo qorshe dib Yemen loogu celinayo qaxootiga Yemen ee ku sugan gobolada qaar ee dalka Soomaaliya, sida deegaanada Puntland iyo magaalada Muqdisho.

Wuxuu sheegay in iminka dhisme lagu waddo garoonka diyaaradaha ee Sanca kadibna la bilaabi doono todobaadyada soo aadan in dalka Soomaaliya laga celiyo qaxootiga Yemeniinta ah ee kusoo barakacay dalka Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.co