Xog: Sheekh Aadan Madoobe oo xildhibaannada besha Ogaden uga digay arrinta ay ka wadaan…

Muqdisho (Caasimada Online) – Sheekh Aden Madoobe ayaa uga digay xubnaha Baarlamaanka ee ku sugan Ceel-Barde ee kasoo jeeda beesha Ogaadeen in ay abuuraan Kacdoon aan loo baahneyn.

Sheekh Madoobe ayaa sheegay in ay haboon tahay in laga wada hadlo wixii khilaaf ah ee jiro isagoo ku taliyay in dadka deegaanka ay tashtaan oo aan lagu deg degn talooyin ay wadaan siyaasiyiin dan kale leh oo ka yimid gobollo iyo deegaano fog fog.

“Ceel Barde waxaa degan 4 Beel, isla markaana aanay hal beel dhihi Karin ma rabo, ma jirto dhul la rari karo, Ceel Barde waxay ka mid tahay Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed “ayuu Madoobe intaa raaciyay.

Dhinaca kale warar ayaa sheegaya in xubno cusub ay ku biireen Xildhibaanada ku sugan Ceel Barde, dadkaas waxaa ka mid ah Xildhibaan Maxamed iidle(Geedi Xerow) iyo Wasiirkii hore ee Maaliyadda Xuseeb Cabdi Xalane.

Xildhibaan Axmed Aabi ayaa isna sheegay in Ceel Barde ay joogaan maamulka iyo Isimada 3 degmo oo kala ah Ceeb Barde, Caato iyo Yeed.

Xildhibaan Aabi, waxaa intaa raaciyay in ay wadaan Madal maamul loogu sameynayo 3-da degmo, islama markaana ay dhisi doonaan guddi farsamo.

Xildhibaanka ayaa ujeedada Safarkooda ku sheegay in degmooyinkan 3-da ah ay ka tirsan yihiin Bakool balse maamulka Koofur Galbeed uu waxba kasoo qaadin cabashada degmooyinkaas u gudbiyeen, dadka ay cabashada kala hadleen waxaa ka mid ah Madaxweynaha Maamulka Sharif Xasan sida Xildhibaanka uu sheegay.

Aabi ayaa ugu dambeyntii soo qaatey in Dastuurka dalka uu qabo in dagmadii Saluugta waxa Maamulada Federaalka jira ay si toos ah u hoos tagayaan Dowladda Dhexe, degmooyinkaanna ay sidaa yeelli doonaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com