Axmed Madoobe oo wali ay caqabad ka haysato Maxamed Cabdi Kaliil iyo Iimaan Cadow Kaarshe

Garbahaareey (Caasimada Online) – Maamulka Jubbaland ayaanan wali ku guuleysan soo xero gelinta gudoomiyaha gobolka Gedo Maxamed Cabdi Kaliil oo gudoomiyaasha Gobolka Gedo qaarkood u aqoonsan yihiin gudoomiyaha saxda ah ee Gedo.

Qaar kamid ah xubnaha dowlada Soomaaliya ee gobolka Gedo ayaa Caasimada Online u sheegay inaan wali la isku fahmi in xubno uu hogaaminayo Kaliil ka tanasulaan fikirkoodii hore ee xilka gudoomiyaha gobolka Gedo.

Axmed Madoobe ayaa arimaha soo xero gelinta Kaliil iyo gudoomiyaal kale u xilsaaray odayaasha beelaha xubnahaasi kasoo jeedaan iyo madaxweyne ku xigeenka maamulka Jubbaland Fartaag.

Cabdulaahi Sheikh Ismaaciil Fartaag, ayaa ku sugan deegaano gobolka Gedo ka tirsan, waxaana uu maalmihii ugu dambeeyay kulamo la qaadanayay gudoomiyihii degmada Garbahaareey Iimaan Cadow Kaarshe oo isna ku fikir ah Maxamed Cabdi Kaliil.

Aadan Muude Bashiir, oo kamid ah saraakiisha ciidamada dowlada ee Gedo kuna sugan degmada Garbahaareey ayaa sheegay inaan wali la isku fahmin wadahadalka u dhaxeeyay xubnaha maamulka Jubbaland iyo xubnaha xilalka kasoo qabtay gobolka Gedo.

Wuxuu sheegay in wali la isku fahmi la yahay arinta ah in Kaliil iyo Imaan Cadow ka tanaasulaan fikirkooda, laakiin iyaga ay doonayaan xilal kale ,s ida uu hadalka u dhigay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho 
Caasimada@live.com