XOG: Taliye cusub oo loo magacaabay booliiska

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir, ayaa waxaa xilligan loo magacaabay General Cali Xersi Barre (Cali Gaab), oo deegaan ahaan ka soo jeeda Magaalada Cadaado Ee Gobolka Galgaduud.

General Cali Xersi Barre, ayaa afartii sano ee la soo dhaafay waxa uu ahaa Taliyaha Ciidanka Ilaalada Wadooyinka Gobolka Banaadir, oo uu si weyn kaga soo muuqday.

General Maxamed Sheekh Xasan Xaamud, Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliya, ayaa Wareegto uu soo saaray toddobaadkii hore ku soo magacaabay Taliyaha cusub ee Booliska Gobolka Banaadir.

Magacaabidda Sarkaalkan, ayaa waxay ku soo beegmaysaa, xilli dhawaan xil ka qaadis lagu sameeyay Taliyihii hore ee Booliska Gobolka Banaadir, General Mukhtaar Xuseen Afrax, loona magacaabay Taliye Ku Xigeenka Booliska Somaliya.

Afhayeenka Ciidanka Booliska Somaliya, Qaasim Axmed Rooble, ayaa xaqiijiyay magaacabidda Taliyaha cusub ee Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com