Video: Wasiirka arrimaha dibadda Somalia oo ka hadlay hagardaamada Ethiopia ku hayso Somalia

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Cabdisalam Hadliye Omar oo wareysi gaar ah siiyay TV Universal ayaa si aad ah uga hadlay hagardaamada ay Itoobiyo ku hayso Soomaaliya isagoo markaa yiri mar wax laga weydiiyay sababaha aanay masuuliyiinta Soomaaliya aanay ula hadli karin faragelinta tooska ah ee xukuumadda Addis Ababa ku hayso Soomaaliya ayaa ku jawaabay “LAX WALIBA HALKA AY IS DHIGTO AYAA LAGU GOWRACAA” Isagoo ula jeeday in madaxda Soomaaliya ay iyagu halkaa is geeyeen.

Wariye Cabdihafid Jamac oo wareysiga qaaday ayaanan ilaa hadda soo deyn isaga oo dhameys tiran. Mar wax laga weydiiyayna waxaa uu ku jawaabay. “Wareysiga waxaa uu ku jiraa habeyn, oo waxaa jira arrimo siyaasadeysan oo loo diiday in aan la soo deyn, aniga shaqsiyan raalli kama ahi arrinkaan” Isagoo markaa ula jeeday in hoggaanka TV Universal ay diideen in la sii daayo wareysiga oo dhameystiran.

Waxaa arrin aad looga xumaado ah in wax kastoo runta looga hadli lahaa oo lagu dhaleceyn lahaa ama lagu dhiiira gelin lahaa masuuliyiinta Soomaaliyeed faragelinta aanan geed loogu soo gaban oo ay ku hayso dowladda Itoobiya dalkeena hooyo ay mar walbo is hortaagaan shaqsiyaad u shaqeeya danaha Itoobiya.

Caasimadda Online oo arinta dabagal ku sameysay ayaa ogaatay in wareysiga arrima badan lagu falanqeeyay, isagoo markaa wasiirka arrimaha dibadda JFS Cabdisalam Hadliye wax laga weydiiyay arrimo badan oo ku saabsan siyaasadda arrimaha dibadda iyo lacago kor u dhaafay $80 Malyuun oo doolar oo ku jirtay qasnadda PWC ee JFS aanan ilaa hadda la ogeyn halka ay ku baxday cidda qaadatay. Wasiirka ayaa sheegay in lacagahaas wax laga weydiiyo Madaxweynaha JFS isagaa og halka ay ku danbeysay aniga waxba kuu sheegi maayo laakiin waxaan kuu tilmaami karaa cidda og halka ay lacagaas ka baxeen ayuu ku jawaabay mar su’aal laga weydiiyay arrimaha qasnadda ay JFS ku lahayd PWC (Price Waterhouse Cooper).