XOG: Madaxtooyada Somalia oo isku khilaafsan xariga wariyayaasha Universal iyo arrinta oo…!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxtooyada Somalia ayaa ku kala aragti duwan xariga lagula kacay Agaasimaha Bariga Africa Tv-ga Universal iyo Wariye Cawil Daahir Salaad oo kamid ah Barnaamij daadihiyayaasha Tv-ga.

Xubno ka howlgala Madaxtooyada ayaa laga soo xigtay in Mas’uuliyiinta ugu sareysa dalka qaarkood ayaa kasoo horjeeda xariga xubnahaasi iyaga oona soo jeediyay in lasii daayo Labadaasi Wariye.

Mas’uuliyiinta qaarkood ayaa iyaguna qaba in xabsiga lagu sii haayo labada Wariye, kadib markii ay sheegen in gaf Siyaasadeed uu ka dhacay.

Mas’uuliyiinta raacsan xariga ayaa labadaasi Wariye ku eedeeyay inay u adeegayeen Xildhibaanada kasoo horjeeda Madaxweyne Xassan kuwaasi oo si dadban ugu dagaalamaayay warbaahinta.

Madaxweyne Xassan ayaa aragti ahaan isagu qaba in gabi ahaan Tv-ga Universal hawada laga saaro sababo la xiriira Barnaamijyada Kartoonka ee lagu miisaaliyo Madaxda dalka iyo fariimaha uu gudbiyo Tv-ga oo inta badan kiciya shacabka Magaalada Muqdisho oo iyagu indha xiran.

Amarka lagu xiray labadaasi Wariye ayaa waxaa lahaa Taliyaha Nabadsugida Somalia Tuuryare oo isagu ka xanuunsada in la faragaliyo Siyaasada dalka bacdamaa Madaxweyne Xassan ay qaraabo yihiin.

Arrinka la xiriira xariga labada Wariye ayaa iminka si aad ah looga hadal hayaa Magaalada Muqdisho, waxa uuna khilaaf ka dhex abuuray DF Somalia oo iyadu ku mashquulsan Howlo aan xiligeeda la gaarin.

Geesta kale, waxaa socda dadaalo lagu baajinaayo in labadaasi Wariye lasoo taago Maxkamad kadib markii ay faragalin kusoo sameeyen Siyaasiyiin iyo Odayaal.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com