Xog: Safaarada Britain ee Muqdisho oo soo faro-gelisay arrinta xariga Cawil Daahir, dalbatayna…

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar aan ka helnay ilo ku dhaw safaaradda boqortooyada Ingiriiska oo fadhigeedu yahay xarunta Xalane ayaa noo xaqiijiyay in aay safaarada u gudbisay waraaq aay ku codsaneyso in loo sheego sababaha aay u xiran yihiin laba ka mid ah muwaadiniinta Somali Britishka ah, ee kala ah Cawil Dahir Salaad iyo Cabdullaahi Xirsi Kulmiya.

Safiirka Boqortooyada Ingiriiska Harriet Mathews, ayaa shalay xafiiskeed kula kulantay Taliyah Ciidanka nabadsugidda Soomaaliya Gen. Tuuryare. Safiirada ayaa u gudbisay waraaqda aay ku dalbaneyso dowladda Ingiriiska sababaha xariga muwaadiniintooda. Waxaa aay safiiradda walaac ka muujisay danbiyada lagu soo oogay labadaas shaqsi oo haddii lagu caddeeyo aay muteysan doonaan dil toogasho ah.

DFS ayaanan weli ka jawaabin codsigaas. Wariyaha Caasimada Online ayaa waxaa aay u suurta gashay inuu wareysto qaar ka mid ah asxaabta wariye Cawil Daahir Salaad iyagoo markaas u sheegay in uu aad bad qabo, balse waxaa aay sheegeen in ku xigeenka xeer ilaaliyaha qaranka uu shalay maxkamadda ka codsaday in la sii hayo labada maxbuus muddo 21 maalmood ah. iyadoo Codsigaasna aay ka aqbashay maxkamadda.

Waxaa aad ka dareemeysaa guud ahaan magaalada Muqdisho iyo baraha internetka sida facebook iyo twitterka kacdoon ka dhan ah xariga xaq darada ah iyo weliba mid ka dhan ah Itoobiyo, iyadoo dadka aay aaminsan yihiin in Cawil iyo Cabdullaahi aay u xiran yihiin maxaad u ogolaateen in Itoobiyo wax laga sheego.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com