Sawirro: Soomaali ku dibad-baxay Oslo, Norway

Muqdisho (Caasimada Online) – Sideetameeyo dibad-baxayaal Soomaali ah ayaa isugu soo baxay wadooyinka caasimadda dalka Norway ee Oslo.

Dibad-baxayayaashaani ayaa watay boorar farabadan waxa ayna ku qeyla dhaaminayeen in Norway ay ka jawaabto falkii lagu toogtay Hooyo Soomaaliyeed.

Toogashada Hooyadaasi Soomaaliyeed ayaa waxaa fuliyay Booliska dalkaasi waxaana la sheegayaa in Hooyadaasi ay ilaa hadda cisbilka u jiifta dhaawacii ka soo gaaray rasaastii lagu dhuftay.

Dibad-baxayaasha ayaa marba marka xigta faraha kasii baxaayay waxa ayna taasi sababtay in Ciidamada Booliska ay xakameyn waayan dadka isugu soo baxay wadooyinka ilaa goortii danbe fagaaraha uu dibad-baxa ka dhacaayay lasoo dhoobay Ciidamo dheeri ah, si amaanka uusan faraha uga bixin.

Dibad-baxaani ayaa noqonaayo kii ugu horeeyay oo tiro Soomaali intaa la eg ay isugu soo baxaan

k

kk

kkk

kkkk

kkkkk

kkkkkk

kkkkkkk

kkkkkkkkk