SHAACIN: Sirta ka dambeysa xariga weriye Cawil Daahir Salad iyo waxa ka carreysiiyey Xasan Sh.

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maqribnimadii habeen hore xabsiga loo taxaabay agaasimihii TV-da gaarka loo leeyahay ee Universal u qaabilsan Africa C/llaahi Xersi Kulmiye iyo barnaamij soo saare sare Cawil Daahir Salaad oo ka mida howlwadeenada TV-ga kadib markii ciidamada Nabadsugidda Soomaaliyeed ee Gobolka Banaadir u yeereen, kadibna ay ciidamo kale tageen xaruntii Teleshinka ee magaalada Muqdisho.

Ma jiraan wax war ah oo dowladda iyo hay’adaheeda ammaanka ka soo saareen xariga mamaulka iyo weriya ka tirsan TV-ga , laakiin waxaa saacadihii ugu danbeeyay la isla dhex inuu salka ku hayo Dood-wadaag ka baxay Telefishankan Arbacadii hore oo ay marti ku ahaayeen laba xildhibaan oo baarlamaanka federaalka ka mida iyo dadweyne, barnaamijkaas oo ahaa mid kulul.

Waxaan faaqideynaa Dooda ka baxday TV-da Uniuversal iyo saameynta ay yeelatay oo aanu ka eegeyno warbaahin ahaan iyo dowlad ahaan.

Warbaahin kasta waxay leedahay siyaasad tifatir oo u gaara, anshax qoran iyo sharci u yaala warbaahinta oo lagu hayo marka wax ka dhacaan. Hoos ka daawo barnaamijka Dood-wadaag ee lagu heysto TV-ga.

Marka arrintu taagan tahay warbaahin iyo war ama dood ay baahisay iyo saameynta ay yeelan karto sida arrintan oo kale waxay ku wareegeysaa “Mas’uuliyad” ah in dood noocaas ah ama heerkaas dood gaarsiisan shacabka loo bandhigo, haba ahaato in dadka ka qeyb galaya ay mas’uuliyiin yihiin oo ka mid yihiin Baarlamaanka, haddana hagaha ama weriyaha waxaa mar kasta waajib ka saaran yahay inuu dooda hago si aan loogu gefin ama loogu ceebeyn cid kale oo aan meesha iska difaaci karin. Micnuhu waa in warbaahinta iska dhowrto arrimaha dalka u soo jeedi karta dhibaatooyinka iyo halis laga baaqsan karo.

Warbaahinta Soomaalida waxaa aalaaba ka dhaca khaladaad noocan oo kale ah oo si fudud loo sixi karo ama afeef hore laga dhigan karo, iyadoo hanuunin gaara iyo xad loo yeelayo baahinta arrimaha qaarkood ee saameynta ku leh; mana aha in arrintu gaaro dembiilenimo. Laakiin doodii Arbacdii waxay ahayd mid kulul oo shaki badan gelisay dowladnimada la sheeganayo sax iyo khalad tii ay noqotaba, taasoo haddii lagu simo dood caadi ah aanay dhibaato lahayn, laakiin lala aadi karo arrimo Qaran iyo abuur xasilooni darro ama kicin oo nidaamyada fashilmay ay sabab uga dhigan karaan inay dadka afka ka xiraan.

Tan iyo markii uu soo baxay xariga xafiiska TV-ga Universal iyo qaar ka mida mas’uuliyiinta ka howlgasha magaalada Muqdisho waxaa kaliya oo hadlay dadweyne iyo ururo bulsho oo dalbaday sidii caadada u ahayd in la sii daayo.

Waxaa la xiray mas’uul sare iyo barnaamij soo saare ka tirsan Universal TV Muqdisho

Waxaa la xiray xaruntii Telefishanka ee magaalada Muqidsho, waxaana laga joojiyay shaqadii.

1 – Aan isweydiinee, amarka xariga yaa bixiyay?

2 – Maxaa lagu heystaa oo loo xiray xarunta TV-ga

3 – Maxaa lagu xiray Agaasime C/llaahi Xersi?

4 – Maxaa loo xiray Cawil Daahir Salaad?

5 – Wasaaradii ku shaqada lahayd maxaa loo ogeysiin waayay?

Marka su’aalahan jawaab loo helo ayaa la ogaanayaa xaaladda dowladda Federaalka iyo inay sax tahay doodii ahayd in dalku gumeysi ku jiro oo dadka qaarkood sida Itoobiya aan waxba laga sheegi karin, ayna galeen booskii, SIRTA QARANKA iyo AMMAANKA QARANKA ku jireen…!!

Khaladka ugu weyn ee caadiga iska noqday waa in mar kastoo khalad lagu tuhmo warbaahin ay arrinteeda gacanta la soo gasho hay’adda nabadsugidda. Hay’adani waxay ummada u qaabilsan tahay la-dagaalanka caddowga, waana marin habaabi iyo khalad lagu hagayo in loo adeegsado shacabka caadiga ah ama ururada bulshada iyo saxaafadda, waxayna ahayd inay arrintan loo dhaafo hay’adaha sharciga ee ay quseyso sida Wasaaradda Warfaainta, Maxkamada Gobolka, iyo xeer ilaalinta iyi Booliska.

Dhaqanka dowladeed ee ka bilowda in qof si toos ah la isaga xirto iyadoo aan maxkamad loo marin waa mid salka ku haya keli-talisnimo iyo dad dhan lagu xukumo rabitaan maskax gaaban iyo feker shaqsi ah, taasoo Soomaalida xilligan joogta ay ka gudubtay, balse qaar ka mida madaxda dowladda Federaalka weli ku taagan yihiin.

faalada goobjooge