Sawirro: Xildhibaanada beesha Ogaaden oo isku baheysanaya carqaladeynta SHARIIF XASAN.!!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo Xildhibaano ka tirsan BF Somalia islamarkaana adeege u ah Hogaamiyaha Maamulka Jubbaland Axmed Madoobe ay gaaren deegaano hoostaga gobolka Bakool, ayaa waxaa la soo warinayaa in Xildhibaanadaasi ay kulamo la qaaten Siyaasiyiin iyo Odayaal dhaqmeed ku kala sugan degmooyinka Ceelbarde, Aato iyo Yeed oo ka wada tirsan gobolka Bakool.

Xildhibaanadaani oo baalmaray Maamulka Koonfur Galbeed ee Somalia oo sharci ahaan ay hoostagaan Degmooyinkaasi ayaa waxa ay Xildhibaanadu dhexda u guntadeen in waxgaradka degmooyinkaasi ay ku talaalaan Siyaasada Axmed Madoobe.

Xildhibaanada ayaa waxaa horboodayo Ra’isul wasaare ku-xigeenkii hore ee Dowladii KMG ahayd, ahaana ku-xigeenka wasiirka ganacsiga iyo warshadaha, hadana ah xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka, Xildhibaan Abdi-wahaab Ugaas Xuseen, Xidhibaan Abdiladhiif Muuse Nuur iyo Xildhibaano kale oo kasoo jeeda Beesha Ogaaden.

Ujeedka ugu weyn ee socdaalkooda ayaa ah in Maamulka Degmooyinka kor ku xusan ay ka dhaadhiciyaan inay raacan Maamulka Jubbaland, balse wax natiijo ah wali lagama gaarin, inkastoo ay xooga saarayaan in Maamuladaasi loo xalaaleeyo Jubbaland.
okänt
Xildhibaan Abdiladhiif Muuse Nuur, ayaa sheegay in dadka Deegaanadaasi ku nool ay yihiin kuwo kasoo horjeeda Maamulka Koonfur Galbeed ee Somalia waxa uuna sheegay in Siyaasiyiinta iyo Odayaasha ay kala xaaltamayaan inay raacan Maamulka Jubbaland ama ay raacan kan Koonfur Galbeed.

Waxa uu tilmaamay in Siyaasiyiinta iyo Odayaasha ay ku gacanseeren Siyaasada Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed, balse ay iyaga wadaan dadaalo ka duwan kan Koonfur Galbeed ay wado.

Maamulka Koonfur Galbeed ayaan wali ku baraarugin in Xildhibaanadaasi u adeegaya Axmed Madoobe ay Gobolka Bakool ka dhexwadaan Siyaasad lagu carqaladeynaayo geedi socodka Maamulka Shariif Xassan.

Lama saadalinkaro sida ay xaaladu noqon doonto waxaana lasoo warinayaa in Xildhibaanadaasi ay baqdin ka heysato dhanka Maamulka Koonfur Galbeed.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com