XOG: Amisom oo XASAN ka hor istaagtay inuu…

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar hoose oo aan ka heleyno Saraakiil ka howlgasha Xafiiska Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Somalia Xassan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Saraakiisha AMISOM ay Xassan Sheekh uga digeen inuu isticmaalo gaadiidka gaashaaman oo ay Imaaraadka dhawaan ugu deeqday DF Somalia.

Saraakiisha ayaa Madaxweyne Xassan kaga digay in gaadiidkaasi gaashaaman oo aan xabadu karin saaro Ciidamadiisa gaarka ah, islamarkaana ku sugo amaankiisa isaga oo doonaayo inuu iska reebo Ciidamada AMISOM ee sida gaarka ah u ilaaliya amaankiisa.

Saraakiisha AMISOM ayaa digniintaasi u gudbiyay Madaxweyne Xassan ka gadaal markii uu damcay in gabi ahaan uu iska reebo Ciidamada AMISOM bacdamaa uu ku xilanaayay gaadiidkaasi balse iminka ay heshay Dowlada, sidaa awgeed uu ku taamay inuu iska reebo AMISOM.

Dowlada Imaaraadka Carabta ayaa dhawaan DF Somalia ugu deeqday gaadiid u dhigma kuwa ay wataan Ciidamada AMISOM ee aan xabadu karin, taasi oo sara qaaday hamiga Madaxweyne Xassan oo isagu ku taamaayo inuu ka madax-banaanaado ilaalada AMISOM ee la socta.

Digniintaasi ayaa muujineyso in DF Somalia ay ku jirto gumeysi muuqda iyo mid qarsoon, iyadoona ay adag tahay in Madaxweynaha ugu sareeya dalka uu qaato talaabo aysan la socon Madaxda AMISOM iyo kuwa reer galbeedka ee ku sugan Magaalada Muqdisho.

Dhinaca kale, Siyaasiyiinta, Odayaasha, Shacabka Soomaaliyeed ayaa iyagu aaminsan in Somalia ay xiligaani xor tahay hayeeshee Oohinta Orgayga kaweyn, waxa uuna amarkaani kasoo baxay AMISOM muujinayaa in Somalia aysan u madax-banaaneyn rabitaankeeda.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com