FOWSIYA Yuusuf oo qaadatay go’aan feejignaan ku abuuray madaxweyne Xasan iyo Damu-Jadiid

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee wasaarada Arrimaha Dibadda Somalia ahna Xildhibaan ka tirsan BF Somalia Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan, ayaa sheegtay inay u taagan tahay doorashada la filaayo in sanada 2016-ka ay ka dhacdo Somalia.

Waxa ay sheegtay inay tahay musharaxad xiligaani wixii ka danbeeya u taagan jagada Madaxweynenimo ee doorashada, waxa ayna cadeysay in doorashada ka hor ay meel marin doonto qorshooyinkii ay dalka ku maamuli laheyd.

Fowsiya ayaa warkan ka sheegtay goob xaflad ah oo ay kaga dhawaaqday xisbi siyaasi ah oo ay iyadu madax ka tahay kaas oo lagu magacaabo “National Democratic Party”.

Go’aanka ay qaadatay Fowsiya ayaa dhibaaya Madaxweyne Xassan iyo xulafadiisa oo iyagu xiisa gaar ah u qaba inay kusoo laabtan maamulida dalka.

Fowsiya ayaa Siyaasada Somalia si muuqata ugu soo biirtay tan iyo markii Madaxweyne Xassan uu kusoo baxay doorashadii dalka, iyadoona wixii intaa ka horeeyay aysan ka dhexe muuqan Siyaasada.

Waxaa isa soo taraayo musharaxiinta u taagan qabashada xilka madaxtinimo ee Somalia, inkastoo musharax waliba uu hamigiisu yahay inuu ka muuqdo shaashada Siyaasada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com