Axmed Cabdi Salaam oo xilka safiir laga qaaday

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in xil ka qaadis lagu sameeyay Safiirkii Somalia u fadhiyay Magaalada Addis ababa ee Cariga dalka Ethiopia Axmed C/salaam Xaaji Aadan.

Wararku waxa ay sheegayaan in xilkaasi iminka si KMG ah loogu sii dhiibay Mas’uul hore oo ka howlgali jiray Xafiiska Ra’isul wasaaraha dalka oo lagu magacaabo Maxamed Cali Nuur, sida ay xogtu sheegeyso.

Diblumaasi ka howlgala Safaarada Somalia ee Addis ababa ayaa Caasimada Online u xaqiijiyay in mudooyinkaani danbe uu taagnaa Khilaaf u dhexeeyay Axmed Cabdisalaan iyo DF Somalia taasina ay soo dadajisay in Safiirka xilkiisa uu waayo, sida ay xogtu sheegeyso.

Diblumaasiga ayaa sidoo kale noo cadeeyay  in Axmed uu kamid ahaa 5 Safiir oo dhawaan ay u yeertay Wasaarada Arrimaha dibadda Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com