Xiisad dagaal oo ka jirta Kismaayo iyo ciidamada Korneyl Barre Hiiraale oo laga cabsi qabo inay…

Kismaayo (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in halkaasi ay ka taagan tahay xiisad colaadeed oo u dhaxeysa ciidamada maamulka Jubbaland iyo ciidamada barre Aadan Shire Hiiraale.

Xiisada dagaal ayaa ka taagan deegaanka Sabca Asharaaf iyo deegaanka Goobweyn oo ku yaala duleedka magaalada Kismaayo, waxaana dhaqdhaqaaqa wada ciidamada Barre Aadan Shire taageersan.

Saraakiil ka tirsan ciidamada Barre Aadan Shire, oo saxaafada la hadlay ayaa sheegay ineysan hureynin iney dagaalamaan maadaama sida uu sheegay dadkooda lagu dilayo magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

C/rashiid Macalin Gaas, oo kamid ah saraakiisha ciidamada Barre Hiiraale, ayaa sheegay in xiisada ka taagan deegaanada duleedka ka ah magaalada Kismaayo ay ka dambeeyeen dagaalo u dhaxeeyay ciidamada Hiiraale & Axmed Madoobe oo ka dhacay duleedka degmada.

“Nin Gurigiisii iyo Ubadkiisii la heysto wax uu dhowrto in ay jiraan uma maleyn maayo, annaga waxaa nagu waajibay Dagaal maxaa yeelay Ilmaheenii iyo Waaliddiinteenba waa la dilayaa, Baarlamaankii dalka ayaa Sharci ahaanshihiisa diiday Baarlamaanka doortay Axmed Madoobe, wax Sharci ahna kama jiraan halkaas”

“ Dowladda Federal-kana hadda wixii ka dambeeya waxaan u arkaa in aysan iska war heyn illeyn madaxdii qaarna waa Caleema Saareen Axmed Madoobe kuwana waa Baarlamaankii diiday.” Ayuu hadalkiisa raaciyey.

Xiisada dagaal ee u dhaxeyso ciidamada Jubbaland iyo ciidamada Barre Hiiraale ayaa laga baqayaa iney sababaan dagaalo markale ka dhaca duleedka magaalada Kismaayo ee gobolkada Jubbada Hoose.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
Caasimada@live.com