Xog: BEELO ka gadooday shirka Cadaado oo dib loo soo celshay iyo SHIRKA oo hal lug ku taagan

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaarayo Magaalada Cadaado ee xarunta Maamulka Ximan iyo xeeb ayaa sheegaya in Odayaasha shirka ay wadaan dadaalo dib loogu soo celinaayo Beelo ka gadooday shirka.

Imaam Cumar Macallin oo ka mid ah Waxgaradka qeybta ka ah shirka ka socda Cadaado, ayaa sheegay in meel wanaagsan ay mareyso dib usoo celinta Beelaha isaga baxay Shirka waxa uuna tilmaamay in beelahaasi ay tabanayaan waxyaabo ka maqan.

Imaamka ayaa farta ku goday in ay ku guuleysteen in qaar ka mid ah beelaha ay ku soo celiyaan shirka kadib markii ay ka qanciyeen waxyaabo ay tabanayeen.

Shirka Maamul u sameynta Gobollada Mudug iyo Galgaduud ayaa waxa uu ahaa mid dhutinayay muddooyinkii dambe kadib markii ay sii xoogeysteen dhaliilaha ay jeedinayaan Ergooyinka qaar.

Dhanka kale, Waxgarad, Guddiga Farsamada iyo dowladda Dhexe ee Somalia ayaa weli ku howlan in shirkaasi laga mira dhaliyo si Maamul mideysan ay u helaan dadka degan Gobollada Mudug iyo Galgaduud.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com