XILDHIBAAN beeniyay warar la xiriira mooshinka ka dhanka ah J/LAND oo fashil looga cabsanayo

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaano ka tirsan BF Somalia, ayaa daboolka ka qaaday inaan laga gaabsan doonin Mooshinka laga soo gudbiyay Baarlamaanka Jubba.

Xildhibaan Cabdifitaax Nuur Mataan oo ka mid ah mudanayaasha, ayaa sheegay in dhawaan codka loo qaadi doono mooshinka ka dhanka baarlamaanka Jubbaland.

Waxa uu sheegay in qaabka loo dhisay Baarlamaanka Jubba uu yahay mid aan munaasib ku aheyn sharciga dalka, waxa uuna ka dhiidhiyay inaan la dhaliilsan doonin dhibta ka dhalankarta dhismaha Baarlamaankaasi.

Waxa uu tilmaamay in Maamulka Axmed Madoobe uu ku tagrifalay Dastuurka dalka u degsan, wuxuuna carabka ku adkeeyay inay meel uga soo hari doonaan Mooshinka.

Sidoo kale mudanaha ayaa sheegay in dadkii deganaa gobalada Jubooyink iyo Gedo aysan u dhameyn baarlamaankaasi la dhisay, loona baahan yahay in hadda dib loogu laabto.

Geesta kale, xildhibaanka ayaa meesha ka saaray in uu fashil ku yimid mooshinkooda, isaga oo tilmaamay in hadda meesha ugu hagaagsan uu maryo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com