Wasiirka arrimaha dibeda Qatar oo XAMAR tagay

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha dibedda ee dowlada Qadar Dr. Khalid Bin Maxamed iyo wafdi uu horkacayo ayaa barqanimadii maanta ka soo degay garoonka Aadan cadde ee magaalada Muqdisho.

Dr. Khalid Bin Maxamed ayaa waxaa si diiran u soo dhoweeyey dhigiisa Arrimaha dibadda Somalia C/salaan Hadliye Cumar iyo masuuliyiin kale.

Wafdiga Wasiirka Arrimaha dibadda Qatar ayaa waxaa loo galbiyay xarunta Madaxtooyada Somalia halkaasoo lagu wado inay kula kulmaan Madaxda dowladda sida madaxweynaha iyo raisul wasaaraha dalka.

Khalid-bin-Mohammad-Al-AttiyahSocdaalka wasiirka awgeed ayaa waxaa saaka la xiray qaar ka mid ah wadooyinka muhiimka ah ee Muqdisho sida wadadaa Maka Al-Mukarama ee isku xirta garoonka Aadan cadde iyo Villa Somalia.

Labada dhinac ay ka wada hadli doona arrimo iskaashi, iyadoo dowladda Qatar ay mashaariic xoogan ka wado Magaalada Muqdisho iyo gobolada dalka qaarkood kuwaasoo malaayiin dollar ay ku baxeyso.

Arinta xiisaha leh ayaa waxay tahay iyadoo ciidamada dowlada oo aaney la socon AMISOM ay sugayeen amaanka wafdiga ka socday dowlada Qadar ee maanta soo gaaray Muqdisho oo dhinaca kale noqonaya wafdigii ugu sareeyey dowlada Qadar ee soo gaara Muqdisho muddo 25 sano ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com