Fadeexad: Xasan Sh. muxuu ku biiriyey guddiga badbaadinta & samata bixinta qaxootiga Yemen?

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan la qaatay Guddiga Badbaadinta iyo samata bixinta qaxootiga Soomaaliyeed ee Yemen oo ah guddi ay sameeyeen bulshada rayidka ah ee magaalada Muqdishio kuwaasoo maalmahan waday olole loogu gurmayo dadka ka soo noqonaya colaadaha dalka Yemen.

Kulanka oo madaxweynuhu dalbaday ayaa waxaa madaxweynaha ku wehliyay Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid iyo xubno ka tirsan Golaha Wasiiradda, waxaana looga hadlay xaaladda qaxootiga soo noqonaya iyo taageerada ay u baahan yihiin. Guddoomiyaha Guddiga Badbaadinta iyo samta bixinta Sheekh Nuur Baaruud Gurxan ayaa ka warbixiyay howsha guddiga oo dadaal badan ugu jira gurmadka dadka Soomaaliyeed ee ku dhibaateysan Yemen, iyagoo bilaabay ururinta lacag deeq ah oo dadka Soomaaliyeed ka soo uruuriyeen.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo bogaadiyay howsha guddiga ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay wado dadaalo ay ku badbaadineyso dadka Soomaaliyeed ee Yemen colaadu ku heyso, isagoo balanqaadkiisu noqday in shaqaalaha rayidka ah, Ciidamada qalabka sida, laga goynayo lacago lagu caawinayo dadka Soomaaliyeed ee Yeman ku dhibaateysan.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhaqaalo darro weyn ka sheeganeya muddooyinkii ugu danbeeyay, waxaana gaabis ku socda howshii laga sugaya Guddi dowladdu u sameysay arrinta dadka Soomaaliyeed ee Yeman ku dhibaateysan, iyadoo guddigaasi aanu qaban wax la taaban karo, ayaa waxaa muuqata in dowladii Soomaaliya ay ku fashilantay wax ka qabashada mid ka mida dhibaato bani’aadamnimo ee dad Soomaali ah soo wajahda xilligan.

Balanqaadka madaxweynaha ee aan dhaafsiisneyn in shaqaalaha dowladda iyo ciidamada lacag laga jaro ayaa ah caddeyn kale oo muujineysa heerka ay gaartay cajsiga dowladda ee wax u qabashada dadkeeda, waxaaana la ogyahay in shaqaalaha iyo ciidamada uu madaxweynuhu sheegayo in lacago laga jarayo aysan intooda badan in ka badan 3 bilood mushaar qaadan oo xaalkoodu aad u liito, lacagihii loogu talo galayna ay dowladdu oo madaxweynaha ugu horeeyo u adeegsadeen inay ku bixiyaan Shirkii Goboladda Dhexe ee Dhuusamareeb ka socday iyo beelo kala duwan oo siyaasadda dowladda taageero looga raadinayay.

gudi 1gudi 2gudi 3gudi 4gudi 5