Axmed C/salaan oo shaaciyay mowqifkisa shirka

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo dhawaan DF Somalia ay heshiis qarsoodi ah Siyaasiga Axmed C/salaan Xaaji Aadan kula heshiisay inuu ka tanaasulo go’aanka uu isugu soo sharaxaayo Madaxtinimada Maamulka G/Dhexe, ayaa waxaa hadana soo ifbaxaayo isbedel ku imaaday go’aankaasi.

Axmed C/salaan Xaaji Aadan oo iminka ku magacaaban Danjiraha DF Somalia u fadhiya dalka Ethiopia, ayaa waxa uu si rasmi ah ugu dhawaaqay inuu yahay musharax u taagan qabashada xilka Madaxtinimo ee maamulka G/Dhexe ee Somalia.

Axmed C/salaan oo iminka ku sugan Magaalada Muqdisho, ayaa Musharaxnimadiisa kaga dhawaaqay Villa Sultan xili uu Odayaal dhaqmeed kulan gaar ah kula qaadanaayay halkaasi.

Odayaasha iyo Siyaasiyiinta uu kulanka la qaatay ayaa kamid ahaa kuwa qebta ka ah Shirka ka socda Magaalada Cadaado, waxa uuna u balanqaaday in wax muuqdo uu u qaban doono bulshada deegaanka, waa haddii uu ku guuleysto Madaxtinimada Maamulka.

Ugaas Cabdi Daahir oo ka mid ah Odayaasha Golaha Dhaqanka Gobolada Dhexe, ayaa sheegay inay soo dhaweynayan Musharaxtinimada Axmed C/salaan, isla-markaana ay diyaar u yihiin inay codkoodu siiyaan, sida uu yiri.

Ugaas Cabdi Daahir, ayaa waxa uu tibaaxay Axmed C/salaan inuu u khalmo Hogaamiyaha Maamulka Gobolada Dhexe, isla-markaana aanu jirin shakhsi kale oo maanta ka mudan xilkaasi.

Geesta kale, Magaalada Cadaado ayaa waxaa ka socda ololaha Axmed C/salaan Xaaji Aadan, waxa ayna tani amakaak ku noqotay DF Somalia oo iyadu xili hore go’aan lameel dhigtay Siyaasiga.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com