SAWIRRO: Xubnaha ugu sarreeya siyaasada iyo dhaqanka Mudulood oo go’aan culus isku raacay

Muqdisho (Caasimada Online) – Kulan balaaran oo ay isugu yimaadeen xildhibaanada, qeybaha siyaasada, dhaqanka, culumaa’udiinka, haweenka iyo dhalinyarada beesha Mudulood loogana arrinsanayay dhismaha maamlulada harsan ee gobolada ay beeshaasi degto ayaa lagu abtay hotelka Naasahablood laba ee magaalada Muqdisho.

Gogoshaasi oo ay ka dhax muuqdeen inta badan qeybaha waxgaradka beeshaasi  ayaa waxaa fidiyay xildhibaanada iyo wasiirada Mudulood, waxaana looga hadlayay qaabka ugu haboon uguna sahlan ee loo wajihi karo maamul usameynta degaanada aan wali u dhismin qaabka fadaraalka ee dowlada Soomaaliya, gaar ahaana kuwa ay beeshaasi degto sida Banaadir iyo Shabeelada Dhexe.

Xubnihii madashaasi ka hadlay ayaa ku dhawaaqay go’aankoodu in uu yahay shirka Jowhar oo lawada tago iyo maamul balaaran oo nidaamka federalka ah ee dalka waafaqsan si nabad nolol iyo horumar loogu abuuro degaanada beeshaasi ay degto, waxaana ay balan qaadeen tixgelin iyo wadatashi in ay siin doonaan walaalohooda Soomaaliyeed ee la degan.

Xildhibaan Muxudiin Xasan Afrax, nabaddoon Cumar Ibraahim Cosobow, Garaad Xaaji Xuseen, Maxamuud Xasan iyo nabadoon Axmad Jowhar ayaa iyaguna kulankaasi kajeediyay hadalo la xiriiray  talooyin iyo taageero qaabka loogu dhaqaaqayo shirka wadatashiga ee JOWHAR.

Afka dhaqanka beesha waxaa ku hadlay Iimaam Maxamad Yuusuf Cali Iimaan oo ahaa gudoonkii shirkaasi, wuxuuna sheegay in go’aankoodu uu yahay mid ku saleysan talada iyo go’aanka xildhibaanadooda siyaasadda ku matala kaas oo ah in loo dhaqaaqo magaalada Jowhar oo ay taalo gogosha nabadda iyo wada tashiga dhismaha maamulka.

1

2

3

4

5

6

7

8

9

10

11
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com