Xog: Xasan Sheekh oo JAWAARI ka hortaagan in maamulada Jubbaland iyo Koonfur Galbeed la…

Muqdisho (Caasimada Online) – Kulan gaar aha oo aqalka dalka looga arrimiyo ku dhexmaray Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Somalia Xassan Sheekh Maxamuud iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Somalia Maxamed Cusmaan Jawaari ayaa waxa ay uga wada hadleen arrimo la xiriira Gobolada dalka Somalia.

Kulanka oo ahaa mid uu dalabkiisu ka imaaday Jawaari, ayaa waxaa diirada lagu saaray sida Hogaamiyayaasha Maamul Goboleedyada dalka loo horkeeni lahaa BF Somalia, si meesha looga saaro muranka ka taagan Baarlamaanada Maamuladaasi iyo sidii Maamulada looga ansixin lahaa BF si loo sharciyeeyo Dowlad Goboleedyo sax ah.

Madaxweyne Xassan oo xiligaani ku jira xaalad uu ku kala maareynaayo Siyaasada dalka ayaa waxa uu Gudoomiyaha ka dalbaday inuu dib dhigo arrimaha la xiriira Gobolada dalka bacdamaa uu Xassan ku andocooday in dalka uu ku jiro xili kala guur ah islamarkaana Gobolada dalka ay ku jiraan xili dhidibada loo aasayo, taasina ay suuragalin karto inuu fashil ku imaado damacii laga lahaa Hiigsiga 2016.

Xasan ayaa sidoo kale, Jawaari ka codsaday inuu qaboojiyo Mooshinada Baarlamaanka Jubbaland ka yaala BF Somalia, isagoona usoo bandhigay in mudada ka harsan Doorashooyinka dalka ay si mideysan uga wada shaqeeyaan Siyaasad wanaaga dalka.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Somalia Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo isagu go’aankiisu ahaa in si adag loola xisaabtamo Maamulada dalka ayaa markii dambe u jilicsanaaday Codsiga kaga imaaday Madaxweyne Xassan ee ahaa in la dajiyo xaalada.

Geesta kale, labada Mas’uul ayaa isla meeldhigay in laga wada shaqeeyo Hanaanka Siyaasada Somalia mudada kooban ee u harsan DF Somalia si aysan u dhicin Khilaafyo hor leh, waxa uuna kulankaani imaanayaa iyadoo dhawaan Jawaari uu sheegay inaan Gobolada dalka loogu yeeri karin Dowlad Goboleedyada Somalia ilaa laga ansixiyo BF

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com