Beesha Baadi-cadde oo go’aanno kasoo saartay maamul u sameynta Hiiraan iyo Sh/Dhexe (Aqri)

Muqdisho (Caasimada Online) – Shirweyne ay kasoo qeyb galeen, Siyaasiyiinta, Aqoonyahanada, Ganacsatada,Hogaanka Dhaqanka, Dhalinyarada, Haweenka, Qurbajoogta iyo Saraakiisha Ciidanka ee Beesha Baadicadde oo kasocday City Palace Hotel magaalada Muqdisho 4-8 August 2015 ayaa lagu soogabagabeeyey Magaalada Muqdisho.

Shirkan ayaa lagu lafaguray Maamul usameynta Gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Markii aan aragnay habkii ay ku dhismeen Maamulada KMG Federaalka ee dalka laga hirgeliyay, markaan dib u milicsanay wacyiga uu dalkamarayo iyo xaaladaha is qabqabsiga ee ka dhashay Maamuladii dhismay qaarkood.

Markii aay garwaaqsadeen in ay muhiim tahay wadajirka iyo isku keeenidda Bulshada Labada Gobol degan, shirweynaha Beesha Baadicadde waxaa ka soo baxay qodobada hoos ku qoran.

  1. In Beesha Baadicadde ay si buuxda u taageersantahay is kudarka iyo maamul u sameynta Gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.
  2. In Bulshada ku nool Gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe ay deeqi karto Cadaalad Guud oo aan ku saleysneen Dano gaar ah iyo Sad Bursi.
  3. Beeshu waxa ay dhiirigalineysaa Nabad kuwada noolaashaha iyo xoojinta xiriirka suuban ee Islaamnimada iyo Soomaalinimadda ku dheehan tahay oo lalayeesho Beelaha Walaalaha ah ee wada daga Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.
  4. Beesha waxa ay si buuxda isugu raacday una taageereysantahay in Caasimadda Maamulka Gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe noqoto Degmada Buulaburde oo ah magaala muhiim u ah isku xirka labada Gobol.
  5. In Dowladda Federaalka Somaliya ay u madaxbannaneyso dadka deegaanka ka tashiga aayahooda iyo sameyntamaamulkooda, si loo helo hogaan ku yimaada Rabitaankas shacabka.
  6. Beeshu waxay Dowladda Federaalka si adag ugu baaqeysaa in Gargaar degdeg lagaarsiiyo Degmooyinka iyoTuulooyinka muddobadan go’doonka ku jiray sida Degmada Bulaburte, Jalalaqsi I.W.M.

Ugu danbeyntii Beesha Baadicadde waxa ay si adag ugu baaqeysaa Beelaha Dega labada Gobol Hiiraan iyo Shabeelada Dhexe in ay Nabadkuwada noolaansho,adkeynta midnimada iyo in ay halmeel ugu soowada jeestaan maamul usameeynta, Hormarinta labadan Gobol iyo guud ahaanba dalka Somaliya.

Gudoomiyaha Guddiga Qabanqaabada Shirka Beesha Baadicadde

Eng: Cabdi Canshuur Cabdi