Vision 2016: Habka ugu macquulsan soo xulidda xildhibaanada baarlamanka cusub (2 middood)

Sabab kastoo lagu sheegaba, dawlada xilligan ee Somalia waxay ku guuldareysay in ay dalka ka qabato doorashooyin xor ah sida uu ahaa balanqaadkii madaxda dowlada ee sadexdii sanno ee ugu dambeysay. Sidaasi darteed waxaa bilowday ka fekerka sida uu noqon karo habka ugu wanaagsan ee lagu soo xuli karo baarlamaanka soo socda.

Waxaan rabaa inaan halkan ku soo gudbiyo labo (2) hab doorasho oo kala duwan oo aan is leeyahay waa kuwo ka mid noqon kara hababka ugu macquulsan ee lagu soo xuli karo baarlamaanka soo socda. Waa habab fudud, lana fulin karo, ka duwan habkii 2012, una dhow mid ka mid ah hababka doorasho ee caalamka.

HABKA KOOWAAD: HAB DOORASHO XISBI SIYAASADEED KU SALAYSAN

Habkan waxaa ay xubnaha baarlaamaanka ka imanayaan xisbiyo siyaasadeed, waxaana uu noqonayaa sidan:

Talaabada Koowaad: Baarlamaanka Soomaaliya ee hadda jira wxaa uu soo saarayaa sharciga Axsaabta Oo KMG ah, lana jaanqaadi kara xaalada amni iyo siyaasadeed ee dalka.

Talaabada Labaad: Dhamaan Xisbaiyada Siyaasada waxay samaynayaan is diiwaangelin buuxda iyagoo Raacaya sharciga axsaabta siyaasada ee uu baarlamaanka ansixiyey.

Talaabada Sadexaad: Guddiga Qaran ee doorashooyinka ayaa siinaya SHAHAADOOYINKA XISBINIMO Dhamaan axsaabta is diiwaangelisay sida sharciga axsaabta uu qabo.

SOO XULIDA ERGOOYINKA WAX DOORANAYA:

Ergooyinka wax dooranaya waxa ka koobnaanayaan qeybahan:

  • Dhamaan xubnaha baarlamaanada maamul goboleedyada ama Xubno isle’eg oo laga soo xulay xubnaha baarlaamanada maamul goboleedyada.
  • 200 xubnood oo laga soo xulay Qurba joogta (Diaspora). Iyagoo lagu soo xulayo aqoontooda iyo waaya aragnimadooda lana ilaalinaya habqeysiga bulshada.
  • 200 xubnood oo laga soo xulay Bulshada Rayidka ah (civil society group) oo ka kooban 20% Culimada, 20% haweenka, 20% ururada xirfadlayaasha, 20% ganacsatada, 10% ururada dhalinyada iyo 5% ururada dadka lixadkooda dhiman yahay iyo 5% oo si gaar ah loo siiyo dadka laga badan yahay.

Tirada guud waxay noqonaysaa 700 ilaa 900 xubnood ( waana la badin karaa inta la doono) xulidoodu waa fududahay, dhibaatooyin badan oo ka iman lahaa qabaa’ilada waa looga baaqsanayaa, xilliga u harsan dawlada hadda jirtaana waa la qaban karaa howshan.

HABKA DOORASHADA U DHACEYSO

Talaabada koowaad: dhamaan axsaabta siyaasada ee is diiwaan geliyay, waxa uu xisbi kastaa u Gudbinayaa Gudiga Qaran ee Doorashooyinka liis ka kooban 275 xubnood oo ay u Soo xuleen in ay noqdaan musharixiintooda doorashada iyagoo ilaalinaya habka Awood qeybsiga beelaha Soomaaliyeed ee lagu heshiiyey (4.5 am 5).

Talaabada Labaad: Xisbi kastaa waxaa la siinayaa 30 daqiiqo oo uu qoshayaashiisa siyaasadeed ka hor Aqriyo xubnaha Ergada wax dooraya.

Talaabada Sadexaas: Xubnaha ergada ayaa cod u qaadaya axsaabta kala duwan ee tartamaysa.

Talaabada Afaraad: Marka la tiriyo codadka, Xisbiyada 1aad, 2aad iyo 3aad ee hela codadka ugu badan Ayaa loo aqoonsanayaa 3da xisbi ee guuleystay ee soo dhisaya Baarlaamka Soo Cusub.

Talaabada Afaraad: Codadka xisbiyada haray waxaa loo qeybsanayaa sidan; Xisbiga 1aad waxaa uu Qaadanayaa 50% codadka xisbiyada haray, Xisbiga 2aad waxaa uu helayaa 30% Halka Xisbiga 3aad uu helayo 20% codadka xisbiyada haray.

Talaabada Shanaad: Sedexda (3) xisbi ee guuleystay ayaa soo xulaya 275ta xildhibaan, iyadoo xisbi Kastaa uu soo magacabayo boqoliiba ( percentage) codadkii uu helay.

Talaabada Lixaad: Xisbi kasta tirada xildhibaanada uu helay waxaa laga soo qorayaa liiskii uu horey ugu gudbiyay Guddiga Qaran ee Doorashooyinka, iyadoo ay u mudnaanta u kala yeelan doonaan Sida ay ugu kala horeeyaan warqada liiksa musharixiinta ee uu xisbi kastaa gudbiyay.

Talaabada Todobaad: Xisbiga hela 51% xunaha baarlamaanka ayaa soo dhisaya dawlada, waxaa loo Aqoonsanayaa xisbiga xukuumada, labada (2) xisbi ee kale waxaa loo Aqoonsanayaa axsaab mucaarad ah.

 

HABKA DOORASHADA MADAXWEYNAHA

Marka Baarlaamku uu dhamaystiro dhismaha Gudoonkiisa, Guddiga Qaran ee Doorashooyinka waxay iclaaminayaan maalinta doorashada Madaxweynaha.

Talaabada Koowaad: Madaxweynaha waxaa cod qarsoodi ah ku dooranaya xubnaha baarlamaanka sida uu qabo Dastuurka Qaran. Habka dhamaystirka doorashada waxaa loo marayaa sida ku qoran Dastuurka.

Talaabada Labaad: Madaxweynaha la doortay waxaa uu marayaa dhaarta ku qoran Dastuurka waxaa uuna si rasmi ah ula wareegayaa xilka Madaxweynenimo.

Talaabada Sadexaad: Madaxweynaha waxaa muddo 10 maalmood gudahood uu u magacaabayaa

Wasiirka Koowaad ee dalka Xisbiga Aqlabiyada Baarlamaanka, waxaa uuna ka ka codsanayaa in uu oo dhiso Dawlad mudo 30 maalmood ah gudahood.

Talaabada Afaraad: Haddii la waayo xisbi ku guuleysta 51% Xubnaha Baarlamaanka, Xisbiga koowaad ayaa la siinayaa muddo ugu badnaan ah 30 maalmood ah inuu kula gaaro heshiis awood qeybsi ah mid ka mid ah labada Xisbi ee kale.

Talaabada Shanaad: Haddii si kastaa ha ku timaadee Xisbiga 1aad ee ku gaari waayo wax heshiis awood qeybsi ah mudadii loo qabtay Madaxweynuhu wuxuu Wasiirka koowaad ka soo qabanayaa meesha uu doono kadibna Baarlamaanka ayuu u weydiinayaa kadibna waxaa uu Baarlamaanka u weydiinayaa codka kalsoonida.

Habkan waxaa uu noqonayaa talaabo horey loo qaaday oo loogu dhawaanayo doorashada xigta in uu dalka yeesho hanaanka axsaabta badan oo fadhiya. Faa’idooyinkiisana waxaa ka mid ah:

  • In laga gudbo is qabqabsigii faraha badnaa ee uu dhaxeeyey madaxda dawlada, maadaama madaxda sare markan ay ku yimaadeen hab afkaar ah.
  • In dadka Soomaaliyeed loo diyaariyo habka isku xukunka axsaabta, maadaama ay hadda hab qabiil mutuxan ay madaxdu ku timaado.
  • In dawlada ay u fududaato inay wax qaban karto maadaama laga baxay isqabqabsigii u dhaxeyn jirey madaxda sare.
  • In la yareeyo LAALUUSHKA maadaama xisbiga uu horeyba u soo gudbinayo liiskiisa.
  • Iyo kuwo kale oo badan.

HABKA LABAAD: HABKII DOORASHO EE HORE (2012) OO LA HORUMARIYEY

Haddii loo arko inaan la fulin Karin habka koowaad ee axsaabta ku saleysan, qabasna noqoto in xildhibaanada ku yimaadaan habkii hore ee sanadkii 2012, waxaa soo jeedinayaa in sidan loo soo xulo erganada wax dooranaysa:

HABKA LOO SOO XULAYO ERGADA DOORASHADA EE QABIIL KASTA.

Habka ergada wax dooranaysa wax aka koobnaanayaan sidan:

  • Qabiil kasta tirada xildhibaanada ee uu ku leeyahay baarlamaanada maamul goboleedyada kala duwan oo 3 jeer la labo jibaaray (X3) oo ergo ah ayaa laga soo xulayaa.
  • Tiro le’eg xildhibaanada qabiil kasta ugu jira maamul goboleedyada oo laga soo xulay Qurba joogta (Diaspora) qabiil kasta iyadoo la ilaalinaya hab qeybsiga jufo hoosaadyada qabiilka.
  • Tiro le’eg xildhibaanada qabiil kasta ugu jira maamul goboleedyada oo laga soo xulay Bulshada Rayidka ah (CIVIL SOCETY) qabiil kasta iyadoo la ilaalinayo hab qeybsiga jufo hoosaadka qabiilka.
  • Min hal Oday oo laga soo xulay tirada jufooyinka Qabiil kasta.

Tiradaas oo la isku daray ayaa cod u qaadeysa xildhibaan kasta oo ka mid ah qabiilkaas.

Aragtida: Aden Osman Hussein
aadaneey@yahoo.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid