Madaxweyne Xasan Sh. oo ciidamada ETHIOPIA uga hambalyeeyay xasuuqii ugu dambeeyay..!!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo maalin ka hor ay Ciidamada Ethiopia ee qeybta ka ah kuwa AMISOM ay deegaano hoostaga Gobolka Hiiraan ku laayen Odayaal dhaqmeed saarnaa gaari Caasi ah ayaa waxaa arrintaasi si yaab uga hadlay Madaxweyne Xassan Sheekh.

Madaxweynuhu waxa uu sheegay in Ciidamada Ethiopia ay Somalia kawadaan howlo muhiim u ah DF Somalia, waxa uuna amaanay qaabka ay howsha u wadaan.

Waxaa uu intaa ku darey Madaxweynaha in ciidammada Ethiopia ee hawlgalkan ka qeyb qaadanaya ay dadaal dheeri ah muujiyeen, iyagoo adeegsanayo awood dheeri ah.

”Aad baan u bogaadinayaa Howlgalada cusub ay Ciidamada Ethiopia kawadaan Gobolada dalka, waa in muddo kooban ay usoo afjaraan Howlgalada socda”

Madaxweyne Xassan weli kama uusan hadal Xasuuqa ay Ciidamada Ethiopia ka geysteen Deegaanka Halgan ee hoostaga Gobolka Hiiraan, waxa uuna warsaxaafadeedkiisa kusoo koobay Hambalyada uu u diray Ciidamada Ethiopia.

DF Somalia ayaan inta badan u danqan dhibta lagu hayo shacabka Soomaaliyeed, waxa ayna Hambalyada uu Xassan Sheekh u diray Ciidamada Ethiopia imaaneysaa xili dhibaato taa lamid ah ay ku hayaan shacabka ku nool Gobolka Gedo.

Lama oga goorta ay DF Somalia u hiilin doonto shacabkeeda waxa ayna inta badan doorbideysaa inay garab boodo Ciidamada AMISOM ee godobfalada ka geysta dalka Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com