Sawirro: Suxufi Somali ah oo lagu dhaawacay…

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa Xaafada Islii ee Magaalada Nairobi lagu dhaawacay Wariye Saalax Maxamed oo ka mid ahaa dhalinyaradii ka qeyb qaadatay Barnaamijkii socodka rajada Walk Of Hope oo socday mudo bil ka badan lagu maraayay Deegaano dhowr ah.

Weriyahaani ayaa waxaa la dhaawacay xili uu isticmaalaayay wadada koowaad ee xaafada Eastleigh Islii gaar ahaan agagaarka isgooyska 12-ka oo ku dhow boosteejada Baska Crown.

Dhaawaca Weriyahaani ayaa waxaa geystay dhalinyaro Tuugo ah, sida uu ku waramay Weriyaha, waxa uuna Tilmaamay in dhaawiciisa uu iminka yahay mid fudud oo aan dhibaato gaar ah u geysan.

Waxa uu sheegay inay la dhaceen Toorey kadibna ay ka qaaten dhaqaale uu watay, waxa uuna intaa raaciyay hadalkiisa in dhalinyaradaasi ay ka koobnaayen ilaa Afar waxa ayna Tooreyda kaga dhufteen dhanka bidix ee dhabarka kadibna ay ka qaateen Taleefoonkii Gacanta ee uu watay iyo Lacag jeebka ugu jirtay.

HOOS KA DAAWO SAWIRADDA
1

2

3

4

5