Shirkadda Soma Oil and Gas oo soo bandhigtay dukumiintiyadii lacagta looga dalbaday (Aqriso)

Muqdisho (Caasimada Online) – Wargeyska The Financial Times ee ka soo baxa magaalladda London, ayaa qoray warbixin uu kasoo naqliyay Guddoomiyaha Shirkada Soma Oil and Gas, Michael Howard, taasi oo la xiriirta Tuhunka Musuq-maasuqa shirkada lagu eedeeyay.

Michael Howard ayaa Wargeyska usoo bandhigay Nuqulka qoraal la sheegay inuu Wasiirkii Batroolka ee Somalia ku codsaday in la siiyo Taageero Dhaqaale sannadkii hore, waxa uuna nuqulkaasi Gudoomiyuhu isaga fogeynaayay Fadeexada ay kusoo oogtay Dowlada Britain.

Michael Howard, ayaa sheegay in Wasiirka uu codsaday in lasiiyo dhaqaale si uu u fududeeyo Howlaha la xiriirta soo saarista Tamarta, waxa uuna carabka ku dhuftay in ugu danbeyntii bixinta dhaqaalahaasi ay sabab u noqotay inuu ku duudsado Fadeexad.

Suxufiyiinta Wargeyska ayaa cadeeyay inay arkeen Cadeymaha dalabka Wasiirka, waxa ayna qoraalkooda ku qeexeen in Nuqulka Qoraalka uu soo diray Wasiirka Batroolka iyo Kheyraadka Dabiiciga ee Somalia uu ahaa mid aysan ka warqabin DF Somalia iyad oo ay Warqadaasi ku taariikheysnayd bishii March ee sannadkii 2014-kii.

Waxaa sidoo kale, qoraalka Wasiirka lagu xusay in Guddiga QM ee Cunaqabataynta saaran Somalia iyo Eritrea ay la socto dalabka miisaaniyada, balse taasi uu Wasiirka kaga been abuurtay Guddiga.

Wasiirka ayaa lacagahaasi ku qaatay qaab aan muujineynin inuu isaga isticmaalayo, balse waxa uu qoraalkiisa ku cadeeyay in lagu dayactiraayo Xafiisyada, Mushaaraad iyo Kharajka La-talinta
Gudoomiyaha Shirkadda Soma Oil and Gas ayaa siiyay Saraakiil ka tirsa Wasaaradda Batroolka Somalia lacag dhan 360,000 oo Dollar, oo ay Shirkaddu u bixisay si ay ugu guuleysato Qandaraaska Shidaalka iyo Gaaska looga baarayo Xeebaha Koonfurta iyo Bartamaha Somalia.

DF Somalia iyo Shirkadda Soma Oil and Gas waxay Bishii August ee sannadkii 2013-kii kala saxiixdeen Heshiiskaasi oo Shirkadda xuquuq u siinayo sahminta iyo soo-saarka Shidaalka iyo Gaaska Dabiiciga ee Xeebaha Somalia.

Dhanka kale, DF Somalia ayaa ku fadeexowday Musuq-maasuqaan cadeymaha leh waxa ayna Dowladu ku adkeysaneysaa aamusnaan kadib markii Musuqa uu cagaha la galay heer caalami oo sababay in Saraakiil badan oo ka tirsan Shirkada Soma Oil and Gas lagu soo oogo dacwad halis ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com