Somalida Minnesota oo lacag isku dul qadanaya

Minneapolis (Caasimada Online) – Hay’adda FBI-da Mareykanka ayaa lacag dhan $41.000 ku abaalmarisay Muwaadin Soomaaliyeed heysta dhalashada dalka Mareykanka.

Muwaadinkaasi oo aysan Hay’addu soo bandhigin magaciisa ayaa waxa uu abaalmarintaasi ku muteystay kadib markii uu keenay xogo la xiriira lix dhalinyaro Soomaali ah oo bishii April lagu xiray dalka Maraykanka.

Lixdaani Dhalinyaro ayaa Bishii April ee sanadkaani lagu xiray gobalada Minnesota iyo California iyagoo lagu eedeeyey inay doonayeen inay ku biiraan Maleeshiyaadka xagjirka ah ee ISIS.

Sidoo kale, Ruuxa basaasay dhalinyaradaasi ee lagu abaalmariyay $41.000, ayaa bilaabay shaqada uu u hayey FBI-da bishii Feberaayo ee sanadkan, waxa uuna sidaasi ku muteystay lacagtaasi.

Ruuxaani ayaa waxa uu xogaha dhalinyaradaasi helay kadib markii uu la midoobay dhalinta waxaana u suuragashay in si sahlan uu ku helo xogaha dhalinyaradaasi ku biiri laheyd Maleeshiyaadka Daacish.

Qareenada u dacwoonaya lix dhalinyaro Soomaalida ah, ayaa ku doodaaya inaysan jirin cadeymo kale oo la xiriira in dhalinyaradan wax danbi ah galeen.

Caasimada Online
Xafiiska Minneapolis
Caasimada@live.com