Imisa musharrax ayaa u taagan xilka Jubbaland?

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo maalmo qura ay ka dhiman tahay qabashada Doorashada Maamulka Jubbaland, ayaa waxaa arrinta Musharaxiinta arjiga soo gudbisay ka hadlay Guddiga Qabanqaabada Doorashooyinka Maamulka Jubbaland.

Guddiga ayaa sheegay inay qabteen Arjiga ilaa Seddex Musharax oo u taagan qabashada xilka Madaxtinimo ee Maamulka, waxa uuna gudigu sheegay in wakhtiga qabashada Arjiga aan waxba lagu dari doonin.

Sidoo kale, Guddigu waxa uu cadeeyay in doorashada ay dhici doonto August 15, 2015, qabashada Arjiguna uu ku egyahay 6:00 galabnimo August 12, 2015.

Seddexda Musharax ee Arjiga soo gudbiyay ayaa waxaa kamid ah Hogaamiyaha KMG Jubba Axmed Madoobe, waxaana sidoo kale labeeyay Wasiirkii hore ee Wasaarada Maaliyada Xusein Cabdi Xalane oo isagu garab ka heysta DF Somalia, sida ay Caasimada xogtu ku heshay.

Siyaasiyiinta qaar ayaa dhaliilay mudada yar ee uu Axmed Madoobe ku qabanaayo doorashada, waxa ayna ku tilmaameen in Madoobe uu ugu talla galay inaan lala tartamin sidaana uu mudada kusoo yareeyay.

Dhanka kale, qaabka ay ku socto doorashada ayaa u muuqaneysa mid uu ku guuleysan doono Hogaamiyaha iminka haya tallada Axmed Madoobe.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com