Wiil Soomaaliyeed oo fal lala yaabay ka geystay dalka MALTA xabsigana la dhigay (Faah-faahin)

Malta (Caasimada Online) – Booliska jazeerada Malta ayaa xabsiga dhigay muwaadin Soomaaliyeed oo ku sugnaa jazeeradaasi, kaadi oo lagu eedeeyay inuu geystay fal kufsi ah, sida booliska jazeeradaasi ay sheegeen.

Muwaadinka Soomaaliyeed ayaa lagu eedeeya kufsiga haweenay u dhalatay dalka Sweden oo ku sugneyd Gobolka Griza oo ku yaala bartamaha Jazeerada Malta, sida laga soo xigtay hayadaha amaanka.

War saxaafadeed laga soo saaray laamaha booliska Malta ayaa lagu sheegay in falkaasi uu geystay wiilka Soomaaliyeed uu dhacay 04:30 ee shalay, waxaanauu ka dhacay bartamaha Jazeerada Malta.

Booliska magaalada Griza ayaa sheegay in falkaasi markii ay maqleen kadib ay si dhaqsi ah u xireen ruuxa falka geystay, iyadoo xarun caafimaad loo qaaday gabadha u dhalatay dalka Sweden si loo daweeyo.

Muwaadinka Soomaaaliyeed oo aan magaciisa la sheegin ayaa maalinta beri ah la qorsheynayaa in lasoo taago maxkamad ku taala Jazeerada Malta ee dalka Talyaaniga.

Waa markii ugu horeysay oo fal ceynkaan oo kale ah lagu eedeyo wiil Soomaaliyeed oo ku sugan jazeeradaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com