Beesha caalamka oo cadaadis xoogan ku haysa Somaliland

Hargeysa (Caasimada Online) – Tan iyo markii uu Golaha Guurtida Somaliland ku dhawaaqay muddo kordhin 2 sano ah oo u sameeyay madaxweyne Muuse Biixi, ayaa waxa isa-soo taraya cadaadiska ay beesha caalamka saareyso xukuumadda iyo saamileyda siyaasada.

Beesha Caalamka ayaa rabta in xal wada-ogol ah laga gaaro khilaafka ka dhashay muddo kordhinta, si hoos loogu dhigo xiisada siyaasadeed ee arrintaas sababtay.

Safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya, Kate Foster oo dhawaan booqasho ku timid caasimada Somaliland ee Hargeysa ayaa waxay kulan la qaadatay Gudoomiyaha Golaha Wakiilada, Cabdirisaaq Khaliif Axmed.

Kulankaas ayaa waxa diirada lagu saaray xiisada siyaasadeed ee ka taagan Somaliland, waxaana warbixin guud oo ku aadan xaalada taagana Safiirka ka dhageystay guddoomiyaha.

Gudoomiye Cabdirisaaq ayaa sidoo kale muujiyay sida ay ka gole ahaan marwalba diyaar ugu yihiin inay qeyb ka noqdaan xalinta khilaafaadka siyaasadeed ee ka taagan Somaliland.

“Waxaa uu dhanka kale gudoomiyuhu usheegay safiirka in ay Somaliland ku caano maashay xalinta khilaafyadda yimaada maadaama dalka Somaliland uu yahay dal nabdoon oo xasiloon,” ayaa lagu yiri qoraal laga soo saaray kulanka Guddoomiye Cabdirisaaq Khaliif iyo Safiir Kate Foster.

Somaliland ayaa waxaa ka taagan xiisad siyaasadeed xoogan oo ka dhalatay muddo kororsiga uu sameystay madaxweyne Biixi, ayada oo aan xal laga gaarin khilaafkii doorashooyinka ay isku hayeen xukuumadda iyo mucaaridka.