DF iyo ATMIS oo furay xarumo laga hagi doono duulaanka lagu qaadayo Al-Shabaab

Muqdisho (Caasimada Online) – Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) ayaa furay xarumo cusub oo laga hagi-doono duulaanka dalka looga xoreynayo kooxda Al-Shabaab, tallaabadaan ayaa lagu macneeyey in kor loogu qaadayo isku-dubaridka iyo qorsheynta hawlgallada.

Masuuliyiin ka socotay wasaaradda difaaca ee dowladda Soomaaliya iyo saraakiisha ugu sareysa howlgalka ATMIS ayaa goobtaas ka sheegay in duulaanka ka dhanka ah Al-Shabaab uu garab socdo qorshe ay ciidanka qaranku kula wareegayaan guud ahaan ammaanka dalka.

Ugu horeyn Taliyaha Ciidanka ATMIS, Lt. Gen. Diomede Ndegeya, ayaa sheegay in xarunta la hir-geliyey ee laga hagi doono howlgallada wadajirka ah ay ka shaqey doonto fulinta go’aamadii kala duwanaa ee Qaramada Midoobay, kuwaas oo ahaa in ciidamada ammaanka Soomaaliya ay si tartiib tartiib ah ula wareegaan amniga dalka.

“Kulamo wada-tashi ah ayaa dhex maray ATMIS iyo saraakiisha ciidamada Soomaaliya, si dib loogu habeeyo ATMIS, iyadoo la tixgalinayo muhiimadaha shaqo ee ciidamada xoogga Soomaaliya,” ayuu yiri Taliyaha Ciidanka ATMIS.

Wuxuu intaas ku sii daray “Sidaas darteed, xarumaha howlgallada wadajirka ah waxay noqon doonaan kuwo ka shaqeeya dhammaan qeybaha kala duwan, waxayna isku xirayaan howlgallada la dagaalanka Al-Shabaab.”

Wasiir ku xigeenka gaashaandhigga Soomaaliya, Cabdifitaax Qaasin oo goobtaas ka hadlay ayaa sheegay in guulo laga gaaray howlgalladii ugu dambeeyay oo ay iska kaashanayeen ATMIS iyo ciidamada ammaanka Soomaaliya, howl-galladaas oo ka dhacay gobollada Hiiraan iyo Galgaduud.

“Waxaan ugu hambalyeynayaa ATMIS hirgelinta xarumaha howlgallada wadajirka ah, taas oo wanaaji doonta isku xirka ciidamada Soomaaliya iyo ATMIS. Saraakiisha oo isku duuban iyo wada shaqeynta ayaa xaqiiji doonta howlgallada wax ku oolka ah ee la qorsheynayo,” ayuu yiri wasiir Cabdifitaax Qaasin.