Suxufiyiinta MUQDISHO oo cabsi hor leh ka muujiyay fulinta go’aankii dowladda

Muqdisho (Caasimada Online) – Ururada Saxaafada Soomaaliyeed ee kala ah SJS, SOMA, FESOJ iyo SIMHA ayaa si adag uga horyimid go’aankii ay dhawaan dowladda uga joojisay baahinta wararka la xiriira Al-Shabaab.

War-saxaafadeed ay si wada-jir ah u soo saareen ururadaan ayaa waxay ku sheegeen in go’aanka Wasaarada Warfaafinta aan lagala sameyn wax wada-tashi ah, islamarkaana la iskugu dayayo in la xadido xuquuqda saxaafada ee sharcigu ogol yahay.

Sidoo kale waxa lagu sheegay war-saxaafadeedka in go’aankaas uu yahay mid amni darro u keenaya warbaahinta Soomaaliyeed ee xaaladaha adag ku shaqeeya.

“Xayiraad waxay imaan karta marka uu sharcigu ogol yahay oo ay marka hore isku dheelitaran tahay, lagama maarmana ay tahay. Sidoo kale waa in la helo habraac looga dacwoon karo oo leh nooc dib u eegis Garsoor, taasi oo aan ku jirin go’aanka ay wasaaradu soo saartay.”

“Suxufiyiinta ma wataan Bullet-Proof oo ilaalina lama socoto, marka go’aanka wasaarada warfaafinta kuma fadhiyo tiir sharci. Waa in aan marnaba la xadidin xuquuqda saxafiyiinta iyo xoriyada saxaafada ee sharcigu ogol yahay.”

Sidoo kale waxay dalbadeen in dowladda dib u eegis ku sameeyso sharciga saxaafada, oo ay sheegeen inay ku jiraan qoddobo badan oo ka hor imanaya xoriyada saxaafada iyo xuquuqda ay leeyihiin saxafiiyiinta, sidaas darteedna aysan yeeleyn.

“Marnaba ma yeeleyno in sharciga saxaafada marmarsiyo looga dhigto in qawaaniin iyo qoddobo qof intuu iska qor-qortay uu soo saaro kaligiis kuna dhawaaqo, inooga dhigana digreeto sharciga wadanka ka shaqeeya. Waxa ka digeyna amniga suxufiyiinta oo awal khatar ku jiray in markale khatar la galiyo yaan lagu ciyaarin.”

Ugu dambeyntiina waxay ka codsadeen Wasaarada Warfaafinta in go’aankaas oo ay sheegeen in markii horeba lagu deg degay ay dib u eegis ku sameeyso, islamarkaana ilaaliso xuquuqda wariyeyaasha Soomaaliyeed.

Arrintaan ayaa imaneysa maalin kadib markii ay kooxda Al-Shabaab soo saartay digniin si toos ah ugu socotay warbaahinta madaxa-banaan ee fulisa go’aanka kasoo baxay dowladda, taasi oo u muuqata in durtaba ay abuurtay cabsi hor leh oo soo foodsaartay qaar kamid ah saxafiyiinta ka howl-gala warbaahinta dalka.