Beesha Caalamka oo dalab culus soo saartay, kadib shirkii Golaha Wadatashiga

Muqdisho (Caasimada Online) – Saaxibada Beesha Caalamka ee fadhigooda uu yahay magaalada Muqdisho ayaa qoraal wadajir kasoo saaray xaaladda dalka, gaar ahaan go’aannada kasoo baxay shirkii Golaha Wadatashiga Qaran ee lagu soo gabagabeeyey gudaha caasimada.

Xubnaha ayaa soo dhoweeyey is-afgaradka ay gaareen ra’iisul wasaaraha, madaxda maamul goboleedyada iyo sidoo kale guddoomiyaha gobolka Banaadir ee ku aadan doorashada.

‘Saaxibada Soomaaliya ee Beesha Caalamka waxay garwaaqsadeen in shirkii Golaha Wadatashiga Qaran ee socday 3-9 Janaayo lagu gaaray is-afgarad la isku raacay ee ku saabsan wax ka bedelka iyo dib u habaynta habraaca iyo dedejinta waqtiga doorashada Golaha Shacabka,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale Beesha Caalamka ayaa shaaca ka qaaday inay aad ugu faraxsan tahay heshiiska cusub ee ay saxiixeen madaxdu, kadib la tashiyo ay la sameeyey dhinacyada kala duwan

“Waxaan ku faraxsanahay in Ra’iisul Wasaaraha iyo madaxda Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ay qaateen go’aamo ku saleysan wadatashiyo lala yeeshay bulshada rayidka, wakiillada haweenka iyo xubnaha mucaaradka,” ayaa lagu yiri.

Warsaxaafadeedkan ayaa sidoo kale waxaa loogu dalbaday madaxda dalka inay eegaan danta guud ee qaranka, ayna ka fogaadaan wax kasta oo keeni kara xiisad horleh,

“Waxaan ugu baaqaynaa dhammaan hoggaamiyeyaasha siyaasadda Soomaaliya in ay danta qaranka wax walba ka horraysiiyaan, ayna mudnaanta siiyaan soo gabagabaynta hannaan doorasho ee ay dadka Soomaaliyeed si weyn u aqbalaan, iyo inay ka fogaadaan daandaansi ka weecin kara hannaankaas oo kordhin kara khatar iska-hor-imaad ama rabshado . Dhammaan madaxda waa inay xaqiijiyaan in ciidamada amniga aan loo adeegsan hab siyaasadeed,” ayaa markale lagu yiri warsaxaafadeedka Beesha Caalamka.

Ugu dambeyn waxay Beesha Caalamka hoosta ka xariiqday inay tahay in hogaamiyeyaashu dhaqan-geliyaan qodobada ay soo saareen, ayna deg deg ku dhameystiraan doorashada.

“Waxaa la joogaa waqtigii ay dhammaan madaxda Soomaaliyeed diiradda saari lahaayeen in si degdeg ah loo dhaqangeliyo go’aannadii lagu heshiiyey si loo soo gabagabeeyo hannaan doorasho oo lagu kalsoonaan karo marka la gaaro 25ka Febraayo,”.

Waxaa si wada-jir ah qoraalka u soo saaray; Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Belgium, Canada, Denmark, Masar, Itoobiya, Midowga Yurub (EU), Jarmalka, Urur-Goboleedka (IGAD), Ireland, Talyaaniga, Japan, Kenya, Ururka Jaamacadda Carabta (LAS), Norway, Ururka Iskaashiga Dalalka Islaamka (OIC), Qadar, Iswiidhan, Iswisarland, Turkiga, Uganda, Boqortooyada Midowday ee Britain, Dowladda Maraykanka iyo Qaramada Midoobay.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii