Soomaali ka mid noqday golaha wasiirada Tanzania

Dodoma (Caasimada Online) – Madaxweynaha Tanzania ayaa isku shaandheyn ku sameeyay golihiisa wasiirada. Wasiirada cusub ee uu magacaabay Madaxweynaha Tanzania ayaa waxaa ka mid ah Xuseen Maxamed Baashe oo loo magacaabay Wasiirka Beeraha,isagoo laga bedelay wasiir ku-xigeenka wasaaradda Beeraha.

Wasiirka Beeraha Xuseen Maxamed Baashe oo ah muwaadin Soomaaliyeed ayaa 26-Ogosto 1975 ayuu ku dhashay gobolka Nzega,waana siyaasi iyo ganacsade caan ah dalka Tanzania.

Xuseen Maxamed Baashe oo ah nin dhalinyaro ah oo ku biiray siyaasadda Tanzania, isagoo ka tirsan xisbiga talada haya, ayaa sidoo kale ah xildhibaan laga soo doorto dalka Tanzania, horayna u soo noqday wasiir ku-xigeenka beeraha.

Sanadihii dambe waxaa sii kordhaya Soomaalida qurba joogta ah ee xilalka ka qabanaya dalalka Caalamka qaarkood, waxaana ugu dakbeeyay Xamse Warfaa oo Madaxweynaha Mareykanka uu u magacaabay in uu kamid noqdo la taliyeyaashiisa dhinaca xaquuqul Insaanka.

Xamse Warfaa ayaa qaxootinnimo ku tagay dalka Mareykanka isagoo da’ yar sannadihii 1990-meeyadii. Waxa uu horay u ahaa ku xigeenka madaxa waaxda shaqada iyo horumarinta dhaqaalaha ee gobolka Minnesota.

“Waa farxad gaar ii ah iyo mid guud oo ay ila wadaagaan dadka Mareykanka ah iyo dadka kasoo jeeda luuqaddan aan ku hadlayo. Waxaan si gaar ah uga mahad celinayaa bulshada Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan farriimihii ay ii soo direen,” ayuu yiri Xamse Warfaa.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii