Joe Biden oo wiil Soomaali ah u magacaabay xil sare

Minneapolis (Caasimada Online) – Xamse Warfaa, oo ah wiil dhallinyaro Soomaali ah ayaa ku biiraya maamulka madaxweye Joe Biden, isaga oo la-taliye sare u noqonaya Wasaaradda Arrimaha Dibedda Mareykanka.

Xamse, oo hadda ah guddoomiye ku-xigeenka Waaxda Shaqaaleynta iyo Horumarinta Dhaqaalaha (DEED) ee dowladda gobolka Minnesota, ayaa noqonaya Soomaaligii ugu darajada sarreeyey ee uu madaxweyne Mareykan ah xil u magacaabo. 

Xamse ayaa shaqada DEED ka tagaya 17-ka Janaayo, markaasi oo uu kadib ku biiri doono Wasaaradda Arrimaha Dibedda, isaga oo kaalin weyn ka cayaari doona sare u qaadidda Dimoqraadiyadda ee dunida iyo imaatinka qaxootiga ee Mareykanka.

Qoraal ay Isniintii baahisay Waaxda DEED ee Minnesota ayuu Xamse uga mahad-celiyey madaxweyne Joe Biden xilka uu u magacaabay. “Aniga oo isku diyaarinaya inaan matalo dhammaan shacabka Mareykanka, waxaan ku faraxsanahay saaxiibada, shaqo-wadaagta iyo qoyska taageerada iigu muujiyey shaqadeyda dadweyne.”

Xamse ayaa ku biiraya Xafiiska Dadweynaha, Qaxootiga iyo Socdaalka ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda oo shaqadiisa ay tahay ilaalinta barakacayaasha. Xafiiskan ayaa sidoo kale ka caawiya madaxweynaha go’aan ka gaarista tirada qaxootiga imanaya Mareykanka sanad kasta. 

Xafiiskan waxa kale oo uu maal-gelin siiyaa hay’adaha dib u dejinta qaxootiga.  

Xamse ayaa yimid Mareykanka isaga oo qaxooti ah 1994-kii. Waxa uu bartay culuumta siyaasadda iyo maamulka. Sanadii 2014 wuxuu daabacay buug uu u magac daray America Here I Come: A Somali Refugee’s Quest for Hope oo macnaheedu yahay America Waa I Kan: Rajo Raadinta Qaxooti Soomaaliyeed. 

Barasaabka gobolka Minesota Tim Walz ayaa sanadii 2019 Xamse u magacaabay guddoomiye ku-xigeenka Waaxda Shaqaaleynta iyo Horumarinta Dhaqaalaha (DEED).

“Waxaan ku kalsoonahay in Xamse uu shacabka Mareykanka ugu adeegi doono si la mid ah sharaftii, khibrad siyaasadeedkii iyo hoggaankii wada-shaqeyn ee uu ugu adeegay shacabka Minnesota,” ayuu yiri barasaab Walz.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii