Arrimaha uu Farmaajo kaga dhowaaqay khudbaddii uu xalay jeediyey (Daawo)

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa xalay jeediyey khudbad lama filaan ah, waxuuna u hadlay qaab olole dib u doorasho, isagoo sharaxay hanaankii ay u shaqeyneysay dowladiisa mudadii uu joogay xukunka.

Sidoo kale Farmaajo ayaa soo dahweeyey heshiiska cusub ee doorashada looga gaaray shirkii golaha wadatashiga qaranka oo maalin ka hor Muqdisho lagu soo gabagabeeyey, isagoo madaxda ugu baaqay inay ku dhaqmaan heshiiskii ay gaareen.

Farmaajo waxuu khudbadiisa ku qiray Ra’iisul Wasaare Rooble iyo madaxda dowlad goboleedyada ay masuul ka yihiin qabsoomidda doorashooyinka dalka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa inta badan khudbadiisa uga war-bixiyey dib-u-dhiska ay dowladiisu ku sameysay Ciidamada Qalabka Sida, isagoo ku bogaadiyey sida naf-hurnimada leh oo ay u difaacayaan dalka iyo halgankooda ka dhanka ah kooxaha argagixisada ah ee caadeystay daadinta dhiigga iyo burburinta hantida shacabka Soomaaliyeed.

“Dadaalladeenna iyo qorsheyaasha hirgalay ee dib-u-dhiska Ciidamada Qalabka Sida waxay horseedeen in maanta Ciidankeenna geesiyaasha ah ay awood u leeyihiin hanashada amniga guud ee Dalka, uuna gabo-gabo marayo qorshihii ay kagala wareegi lahaayeen Ciidamada AMISOM amniga guud ee Dalka,” ayuu yiri Farmaajo

Farmaajo ayaa sidoo kale ka war-bixiyey hannaanka siyaasadda Arrimaha Dibadda dalka oo uu sheegay inay ku dhisan tahay wax wada-qabsi iyo is-ixtiraamka dalalka Caalamka, ilaalinta sharafka iyo Madaxbannaanida Dalkeenna, taas oo horseedday in aan si mug leh uga dhex muuqanno fagaareyaasha Caalamka.

“Siyaasaddeenna Arrimaha Dibadda ee ku dhisan gobannimada waxa ay horseedday in aan si mug leh uga dhex-muuqanno fagaareyaasha Caalamka, sida xubinnimada Golaha Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobay oo aan ku guuleysannay markii labaad, in aan Madaxweyne Ku-Xigeen ka noqonnay Golaha Guud ee Qaramada Midoobey, haatanna u sharraxannahay Goleyaasha Amaanka ee Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Farmaajo.

Ugu dambeyntii Farmaajo ayaa ku boorriyey shacabka Soomaaliyeed in midnimada iyo wadajirku ay fure u yihiin jiritaanka iyo awooddeenna qarannimo, waxuuna xusay doorka dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku aaddan midnimada, dowladnimada iyo difaaca dalka.

Hoos ka daawo khudbadda