Maxkamadda Ciidamada oo xukun toogasho ah ku fulisay Cabduqaadir Faarax

Beledxaawo (Caasimada Online) – Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida, qaybta 27-aad ayaa markale saaka aroortii dil toogasho ah ku fulisay askari ka tirsanaa ciidamada dowladda Soomaaliya oo horay qof shacab ahaa ugu dilay magaalada Beledxaawo ee gobolka Gedo.

Askariga la qisaasay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray, Cabduqaadir Faarax Dhaqane, kaas oo dhowaan maxkamaddu ay ku ridday xukun dil toogasho ah oo ugu dambeyn lagu fuliyey.

Maxkamadeynta askariga la toogtay ayaa soo martay heerar kala duwan, waxaana lagu helay inuu si bareer ah u dilay marxuum Mowliid Baashe Cumar oo ahaa shacab.

AUN Mowliid ayaa ahaa Farsamayaqaan sameeya gawaarida, waxaana dilkiisa uu ka dhashay, kadib markii ay is maandhaafeen isaga iyo askariga maanta la toogtay.

Fagaaraha lagu toogtay marxuumka waxaa ku sugnaa saraakiil ka tirsan Maxkamadda Ciidamada, ehellada marxuumkii uu horey u dilay, mas’uuliyiin ka mida maamulka Gedo.

Sidoo kale xukunka ay fulisay maxkamadda waxaa si aad ah u soo dhoweeyey Aabaha dhalay marxuumka la dilay oo ku sugnaa goobta ay toogashada ka dhacday.

Waa dilkii labaad oo ay Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida fulisay, waxaana ugu dambeeyey Cabdi Xuseen Maxamuud Xasan (Dhafoor) oo ahaa askari ka tirsanaa ciidamada dowladda, kaas oo shalay lagu toogtay barxadda degmada Luuq, kadib markii isna lagu helay dil uu u geystay marxuum Sugow Gaarane oo ahaa wade mooto Bajaajle.

Horay Maxkamadda Ciidamada ayaa toogasho ugu fulisay askar ka tirsan ciidanka dowlada, waxaaa ka mid ahaa dilkii lagu fuliyey 22-kii bishii hore December, Dable NISA Maxamed Cali Xuseen oo November 2021-kii Degmada Baladxaawo ku dilay labo wiil oo dhalinyaro ah sidoo kalena ka mid ahaa ciyaartoyda degmadaas isagoo ku dilay garoon Kubada Cagta ah.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii