Al-Shabaab oo shaacisay inay dagaal kula wareegtay deegaan u dhow BALCAD

Balcad (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya saaka aroortii hore dagaalyahano ka tirsan kooxda Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen deegaanka Qalimow oo waqooyi ka xiga degmada Balcad ee gobolkaasi.

Ilo deegaanka ah ayaa innoo sheegay in weerarka, kadib uu xigay dagaal foolka fool ah oo dhex-maray xoogagii weerarka qaaday iyo ciidamada dowladda ee ku sugnaa halkaasi.

Al-Shabaab oo ka hadashay dagaalkaasi ayaa guullo ka sheegatay, waxaana ay shaacisay inay la wareegtay gabi ahaan gacan ku heynta deegaankaasi oo muhiim u ah isku socda magaalooyinka Balcad iyo Jowhar ee gobolka Shabeelaha Dhexe ee maamulka HirShabelle.

Warka kasoo baxay Al-Shabaab ayaa intaasi kusii daraya in dagaalyahanada fuliyey weerarka ay cagta mariyeen saldhiggii ciidamada, ayna ka qaateen saanad milatari.

Ugu yaraan 2 askari oo ka tirsanaa ciidamada dowladda ayaa lagu dilay weerarkan, halka ay ku dhaawacmeen tiro intaasi ka badan, sida ay xaqiijiyeen ilo lagu kalsoon yahay.

Dhinaca kale ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha ciidamada Xoogga dalka iyo HirShabelle oo ku aadan dagaalka saaka ka dhacay halkaasi.

Xaaladda ayaa weli aad u kacsan, waxaana Qalimow oo ah deegaan istaraatiiji ah, kuna yaallo waddada xiriirisa Balcad iyo Jowhar laga dareemayaa dhaq-dhaqaaqyo xoogan.

Dhowaan ayey aheyd markii ay kooxda Al-Shabaab weerar culus ku qaaday magaalada Balcad oo ay muddo kooban la wareegtay, walow ay markii dambe dib uga baxday.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii