Xubno Al-Shabab ah oo lagu soo bandhigay Baydhaba

Baydhabo (Caasimada Online) – Maamulka Koonfur Galbeed ayaa soo badhigay saddex xubnood oo ‘kasoo goostay’ kooxda Al-Shabaab, isla-markaana isku dhiibay ciidamada maamulkaasi oo mudooyinkii lasoo dhaafay kordhiyey howlgalada lagu xaqiijinayo amniga.

Xubnahan ayaa waxaa lagu soo bandhigay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay oo sidoo kale xarun KMG u ah dowlad goboleedka Koonfur Galbeed.

Saddexda xubnood ee kasoo muuqda warbaahinta, mid ka mid ah wuxuu watay qoray AK47 ah iyo booshkiisa, iyada oo lagu soo dhoweeyey magaalada Baydhabo.

Sidoo kale xubnaha kasoo goostay Al-Shabaab oo la hadlay warbaahinta ayaa shaaca ka qaaday inay u adkeysan waayeen go’doonka ay kooxda ku heyso shacabka maamulkaasi.

Wareysiyo lala yeeshay saddexda xubnood ayey ku sheegeen inay kasoo dagaalameen  Jubbooyinka iyo Sh/Hoose, isla-markaana ay kasoo qeyb qaateen weeraro dhowr ah.

Waxa kale oo ay farriin u direen dhalinyarada kale ee weli ka barbar dagaalameysa kooxda Al-Shabaab, iyaga oo ugu yeeray inay isaga soo tagaan, iskuna soo dhiibaan dowladda.

Dhanka kale ma jiro weli wax hadal ah oo ay Al-Shabaab kasoo saartay xubnahan ay soo bandhigtay Koonfur Galbeed, isla-markaana shaaciyey inay kasoo goosteen iyaga.

Maalmihii u dambeeyey ayaa waxaa isa soo tarayey xubnaha kasoo goosanaya Al-Shabaab, waxaana loo sababeynayaa howl-gallada ay haatan wadaan ciidamada huwanta ah.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii