Wareysi: Wiil kasoo goostay ERITREA oo soo bandhigay xogta dhalinyaradii la qaaday

Muqdisho (Caasimada Online) – Cabdulqaadir oo ka mid ah dhalinyaradii Soomaaliyeed ee tababarka loogu qaaday dalka Eritrea ayaa soo bandhigay xogta dhalinyaradii uu ku jiray oo qaar la dilay, qaar soo baxsadeen, qaarna weli adoonsi ugu jiraan dowladda Eritrea.

Wiilkaan oo u waramay Weriye Xuseen Cabdulle Maxamed ayaa sheegay in dhalinyaradaas inta ka nool ay ku jiraan xaalad aad u adag, isagoo waalidiinta Soomaaliyeed ugu baaqay inay ka dhiidhiyaan adoonsiga wiilashooda lagu heysto Eritrea.

Cabdulqaadir ayaa sheegay in dhalinyarada qaar la dilay, kadib markii ay isku dhaceen iyaga iyo ciidamada Eritrea, qiyaastii 400 oo wiil ayuu sheegay in siyaabo kala duwan ay ugu geeriyoodeen Eritrea, inta uu ogyahay.

Dhammaan tirada dhalinyarada Soomaaliyeed ee loo qaaday Eritrea ayuu sheegay inuu ku qiyaasayo 5,400 (Shan kun iyo afar boqol) waxuuna sheegay in hadda loo heysto lacagta cunadii lasii jiray intii ay tababarka ku jireen.

4-tii bishii October ee sanadkii 2020-kii ayuu Cabdulqaadir sheegay in tababarkii uu u dhamaaday, wixii intaas ka dambeeyana ay ku jireen xaalad aad u adag oo adoonsi ay ugu jiraan dowladda Eritrea.

Wiilkaan ayaa sheegay inuu ka mid ahaa dhalinyaro ka soo goosatay xeryihii tababarka ee dalka Eritrea, kuwaas oo qaarkood ay dhex ku geeriyoodeen.

Dhammaan dadka Soomaaliyeed ayuu Cabdulqaadir ugu baaqay inay dhigaan banaanbaxyo iyo wax kasta oo ay uga dhiidhi karaan dhibaatada heysata wiilasha Soomaaliyeed ee ku jira adoonsiga Eritrea.

Waxuu sheegay in dhibkii loo geystay uu aaqiro iyo aduun Alle kula xisaabtamayo Farmaajo oo dabinkaas u maleegay, sidoo kale Ra’iisul wasaare Rooble ayuu ka codsaday in dhalinyaradaas inta hartay uu noloshooda badbaadiyo.

Hoos ka daawo

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii