“Kiiska weerarki la igu qaaday waxaa daboolay sarkaalka u sareeya CID,” waxaa yiri…

Muqdisho (Caasimada Online) – Sharmaake Cabdinuur oo ah suxufi ka tirsan warbaahinta Goobjoog ayaa si murugo leh uga hadlay dhaawaca halis ah oo uu sanadkii hore gaarsiiyey askari ka tirsan ciidamada dowladda.

Sharmaake ayaa xilligaas waxa uu dhaawac culus ka soo gaaray caloosha, kadib markii uu xabad ku dhuftay askarigaas, waxaa muddo xaaladiisa caafimaad lagu dabiibay isbitaal ku yaalla magaalada Muqdisho, wuxuuna sheegay in uu illaa hadda helin cadaalad.

“Ereygii ugu xumaa oo aan hilmaami waayay oo kamid aheyd su’aalihii uu i weydiiyay sarkaalkii u sareeyay CID-da waxay aheyd ‘xabadii kugu dhacday xanuun miyaa?’ – waxaa xaqiiqsaday in suxufi ku nool Soomaaliya uusan cadaalad heli doonin illaa inta ay joogan dadka xilalka waaweyn ka haya dowladda,” ayuu yiri Suxufi Sharmaake.

Waxa uu intaas kusii daray “Kiiskayga waxaa dabooshay xarunta dambi baarista ee CID-da, sarkaalka u sareeyay xarunta markuu ogaaday in aan u shaqeeyo telefishanka Goobjoog waxay ku fadhiyaan kiiskayga oo maxkamadna looma gudbin.”

Suxufiga ayaa sidoo kale sheegay in Sarkaalkii Isgoyska lagu dhaawacay oo ahaa Siinaay ay gebi ahaanba inkiray inay dhaawaceen, ayaga oo ilaalinaya askarigii xabada ku dhuftay, sida uu sheegay.

“Askarigii xabada igu dhuftay waxa uu rabay in uu isii dhameystiro, xabada oo igu taalla ayaa cararay oo waxa galay meel harqaan ah,” ayuu ugu dambeyntiina yiri Sharmaake.

Dhacdada Sharmaake lagu dhaawacay ayaa dhacday daba-yaaqada bishii Maarso ee 2021-ka, illaa haddana majirto cid loo soo qabtay, sida uu sheegayna kiiskiisa maba la gudbin, taasi oo muujineysa heerka caburinta iyo cadaalad darada ka jirta Soomaaliya.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii