Maamulka QOOR QOOR oo guul yaab leh ka sheegtay shirkii Golaha Wadatashiga

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Maamulka Galmudug ee uu hogaamiyo Axmed Qoor-Qoor ayaa sheegtay in madaxweynahooda uu dadaal badan ku bixiyay in heshiis laga gaaro shirkii Golaha Wada-tashiga Qaran, ka hor inta aan heshiiska laga soo saarina qarka u saarmay in uu fashilmo.

Wasiirka Warfaafinta Galmudug Axmed Shire Falagle ayaa waxa uu sheegay in madaxweyne Qoor-Qoor uu waqti badan geliyay isku soo jeedka dhinacyada ku kala aragtida duwanaa ee shirka.

“Shaqsiga aan habeen iyo maalin aan seexan ee uu waaga ugu baryey isaga oo u kala dab-qaadaya fikir kala duwan, muhiim maaha in uu ka hadli waayo idaacada, in sidaa wax uga dhacaan madaxweynaheena ka dambeeyay,” ayuu yiri Wasiir Falagle.

Sidoo kale waxa uu xusay in Qoor-Qoor oo dul hoganayaan dhaliilo badan uu juhdi badan ku bixiyay in dalka kasii jirto xasilooni siyaasadeed, isaga oo madaxda sare dhowr jeer isku soo dhaweeyay, sida uu sheegay.

Falagle ayaa ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in Galmudug ay cadow badan leedahay, taasi oo sabab u tahay sida uu sheegay meesha ay ku taallo iyo hogaanka wanaagsan ee ay haysato.

Hadalkan ayaa imanaya, xilli lasoo gaba-gabeeyay shirkii Golaha Wada-tashiga Qaranka oo maalmo dhowr ah ka socday magaalada Muqdisho, kaasi oo laga soo saaray hanaan cusub oo lagu hagayo doorashada uu mad-madowga badan ku gadaamna.

Waxay kusoo aadeysa ayada oo maamulka Galmudug ee Qoor-Qoor uu wajahayo culeyso uga imaanaya qaar kamid beelaha dega deegaanadaas, oo saluug xoogan ka muujiyey hanaanka hogaamintiisa, ayna socdaan Gole badbaado oo looag arrinsayo maamul cusub.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii