Shirkii Muqdisho: Rooble oo ku guuleystay qodob muhiim ah balse mid ku fashilmay

Muqdisho (Caasimada Online) – Kadib 7-cisho oo Golaha Wadatashiga Qaranka ay ku shirayeen Muqdisho ayaa waxay shalay galab soo saareen war-murtiyeed aan macno badan xambarsaneyn oo u badan qodobo ku jiray heshiisyadii hore ee golaha oo cid ku shaqeysay aysan jirin.

Sida ku cad war-murtiyeedkii, golaha waxaa Ra’iisul Wasaare Rooble loo daayay qodob muhiim oo la xiriira guddiyada doorashada, maadaama aan lagu soo hadal qaadin isbadalkii uu ku sameeyay guddiya xalinta khilaafaadka oo todoaba xubnood uu ka eryey iyo gudoomiyihii guddiga doorashada heer federaal.

In bayaankii golaha aan lagu soo hadal qaadin qodobka quseeya isbdelka lagu sameeyey guddiyada doorashada ee heer federaal waxay meesha ka saareysaa damacii garabka Farmaajo oo rajo ka qabay inay sii hoggaamiyaan guddiyada, ayada oo Rooble uu horey usoo magacaabay xubno taabacsan.

Haatan waxay ka dhigan tahay in Ra’iisul Wasaaruhu ku adkaaday arrinta guddiyada oo hoggaankooda uu shaqada ka eryey, tallaabooyinkii uu Rooble ka qaaday guddiyada waxay ka dhasheen habkii loo maareeyey cabashada kuraastii la boobay ee golaha shacabka.

Si kastaba, Rooble ayaa waayey oo ku guul-dareystay qodobkii la xiriira amniga dalka.

Seddaxdii maalmood ee lasoo dhaafay golaha ayaa aad uga dooday masuuliyadda amniga guud ee dalka, sida muuqatana wax guula kama soo hoyn ra’iisul wasaare Rooble oo doonayey inuu golaha ka dhaadhiciyo in isaga si buuxda loogu wareejiyo amniga dalka.

Inkastoo golahaan uusan awood u laheyn in Rooble uu ku wareejiyo masuuliyadda ammaanka guud ee qaranka, hadana in xubnaha qaar ay toos uga soo hor-jeestaan waxay muujineysaa saameynta Farmaajo oo maqan uu ku lahaa shirkaas.

Qodobka ugu weyn bayaankii ka soo baxay shirka waxa uu ahaa in AMISOM ay sugto ammaanka Madaxtooyada, AMISOM waxay kala ilaalineysaa oo la dhex-dhigayaa ciidamada ilaalada u ah Farmaajo iyo Rooble oo dhufeys isugu jira, wixii ka dambeeyay 27-kii December, xiligaas oo Rooble uu sheegay inuu ka badbaaday ‘afhgembi uu soo abaabulay Farmaajo.’

Bayaanka ka soo baxay shirkii Rooble iyo madax goboleedyada laguma soo hadal qaadin sida laga yeelayo kuraastii la boobay ee doorashadoodu ay ka dhacday Baydhaba iyo Dhuusamareeb, waxayna u muuqataa in cabashada beelaha iyo siyaasiyiinta kuraastaas aan dheg-jalaq loo sii doonin oo horay looga gudbay.

Kuraasta ugu daran ee habkii loo maareeyey doorashadooda ay buuqa dhalisay, isla markaana Rooble ku kaliftay inuu bedelo hoggaankii guddiyada waxaa soo kala qaatay Yaasiin Farey, Mahdi Guuleed iyo Xildhibaan Sareedo, waxaana haatan god dheer ku sii dhacday rajadii laga qabay in lagu noqdo doorashada kurstaas.

Beelaha iska leh kuraastaas iyo musharaxiin uu ku jiro guddoomiyihii hore ee golaha shacab Maxamed Cusmaan Jawaari oo loo diiday inay u tartamaan ama talo ku yeeshaan aayaha kuraastooda ayaan la ogeyn sida ay ugu qancayaan bayaankaan iyo in laga socdo cabashadooda oo aan wax laga qaban.

Heshiisyadii u dambeeyey ee Golaha wadatashiga Qaran ayey siyaabo kala duwan uga soo muuqdeen inta badan habraacyadii ay galabta soo saareen, hase yeeshee laguma dhaqmin, hadana rajo badan lagama qabo in lagu dhaqmi doono.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii