NISA oo xoojisay ciidankeeda garoonka Aadan Cade iyo amarkii Wasiirka Amniga Rooble oo shaqeyn waayay

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Amniga ee xukuumadda xil-gaarsiinta Cabdullaahi Maxamed Nuur wuxuu bilowgii todobaadkii hore ku amray hoggaanka hey’adda Nabad sugidda iyo sirdoonka Qaranka in ciidanka NISA laga soo saaro Garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho.

Farriintaas oo dad badani ay ku tilmaameen mid xasilooni darro xambaarsaneyd ayaa lasoo warinayaa inay ugu dambeyn ka dhaqan geli weysay Garoonka Aadan Cadde.

Saraakiisha NISA waxay xaqiijiyeen in amarkaas kadib ay hey’adda ciidan dheeri ah geysay Garoonka. Ciidankaas dheeriga ah waxay ku sheegeen mid loogu talagalay in lagu sii adkeeyo ammaanka garoonka.

Sidoo kale, waxaa la xoojiyey amarrada iyo shaqada ciidanka Nabad sugidda ee jooga waddooyinka soo gala Garoonka Aadan Cadde, sida ay noo xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan hey’adda NISA.

Dabagal aan ku sameynay waxa ka fulay amarkii kasoo baxay Wasiirka Amniga ayaan ku ogaanay in xukuumadda federaalka ay ka gaabsatay oo aysan ku adkeysan soo jeedintaas.

Sababta ay xukuumadu uga dhuumatay dhaqan gelinta amarkaas waxaa lagu sheegay inay sabab u tahay inay toos uga hor yimaadeen wakiillada iyo safiirada Beesha Caalamka ee dagan daafadaha Garoonka Aadan iyo maamulka diyaaradaha Caalamiga ah ee yimaada Soomaaliya, kuwaas oo farriintaas ku tilmaamay mid dhaawaceysa shaqada garoonka Aadan Cadde.

Inkastoo ay ciidanka NISA ay dhibaatooyin badan ka geysteen gudaha Garoonka oo marar badan ay xayireen muwaadiniin Soomaaliyeed oo xaq u lahaa inay safraan haddana in NISA ay ka baxdo garoonka Aadan Cadde waxay su’aal dul dhigeysaa shaqada garoonka, Ajaanibta Xalane dagan iyo duullimaadyada caalamiga ah ee yimaada Soomaaliya.

Ciidanka NISA waa ciidan si gaar ah loogu tababaray inay ka hor tagaan dhibaatooyinka Al-Shabaab, sidaas darteed waxay banaanka ka ilaaliyaan xarumaha muhiimka ah ee dalka, kuwaas oo uu ku jiro Garoonka Aadan Cadde.

Uma badna inuu wasiirka Amniga Cabdullaahi Maxamed Nuur ka shalaayey inuu shaqeyn waayey amarkiisii Garoonka Aadan Cadde, marka loo eego sida uusan amarkaas munaasab ugu aheyn xaaladda amniga dalka iyo sida ay dad badani uga soo horjeesteen.

Dagaalka u dhaxeeyo madaxweynaha waqtigiisa dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’isul wasaare Rooble wuxuu aaday dhanka amniga, waana sababta uu Cabdullaahi Maxamed Nuur u qaaday tallaabadaan walaaca gelisay amniga garoonka.

Haddii uu sii socdo loolanka xagga awoodda ciidanka ah ee u dhaxeeya labada nin ee Farmaajo iyo Rooble waxaa la aamisan yahay inuu si taban u saameyn karo hey’adaha iyo xarumaha muhiimka ah ee dowladda federaalka.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii