QM oo war kasoo saartay heshiiska cusub ee shirkii Golaha Wadatashiga Qaran

Muqdisho (Caasimada Online) – Warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa waxaa looga hadlay heshiiska cusub ee ay shalay magaalada Muqdisho ku gaareen Golaha Wadatashiga Qaran oo go’aano kasoo saaray xaaladda dalka iyo doorashooyinka.

QM ayaa boggaadisay qodobada ay soo saareen Ra’iisul wasaare Rooble, madaxda maamul goboleedyada dalka iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir, kadib shirkoodii Muqdisho.

Qoraalka kasoo baxay xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa sidoo kale lagu sheegay inay muhiim tahay in la helo natiijo la aamini karo, marka la gaaro waqtiga cusub ee la qabtay si loogu soo gabagabeeyo doorashada xubnaha Golaha Shacabka Soomaaliya.

“Qaramada Midoobay waxay aaaminsan tahay in mudnaanta hadda la leeyahay ay tahay fulinta go’aamadan, si loo gaaro natiijo la aamini karo waqtiga cusub ee la qabtay,” ayaa yiri qoraalka kooban ee ka soo baxay xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.

Sidoo kale QM ayaa ugu baaqday madax goboleedyada inay diiradda saaraan hufnaanta doorashada, si ay u noqoto mid lagu kalsoon-yahay.

Waxa kale oo ay Qaramada Midoobay shaaca ka qaaday in loo baahan yahay in hoggaamiyeyaasha Soomaalida ay sii wadaan wada-shaqeyntooda, isla-markaana ay ka fogaadaan wax kasta oo keenaya khilaaf hor leh ama uga sii dari kara xiisadda taagan.

Hadalka Qaramada Midoobay oo si dhow ula socoto xaaladda cakiran ee Soomaaliya ayaa ku soo aadayo, ayda oo shalay Muqdisho lagu soo xiray shirkii Golaha Wadatashiga Qaran oo lagu go’aamiyey in doorashada lagu soo gabagabeeyey muddo 40 cisho gudahood ah.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa ku daahday xaaladda kala guurka ah ee ka dhalatay muranka doorashooyinka oo muddo sanad ah dib uga dhacay waqtigii loo qorsheeyey in la qabto.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii