Wararkii ugu dambeeyey dagaalka CADAKIBIR iyo khasaaraha soo kala gaaray Al-Shabaab iyo ciidanka DF

Guriceel (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaarayo deegaanka Cadakibir oo u dhaxeeya magaalada Guriceel iyo deegaanka Baxdo ayaa sheegaya in illaa iyo xalay dagaal culus uu deegaanka ku dhex marayo ciidamada dowladda iyo ururka Al-Shabaab.

Dagaalka ayaa bilawday kadib markii Al-Shabaab ay weerar ku soo qaadeen deegaanka Cadakibir ee gobalka Galgaduud, waxa uuna u dhaxeeya Ciidamada dowaldda, kuwa maamulka Galmudug, ciidamada Ahlu-Sunna iyo dadka deegaanka Cadakibir oo isku dhinac ah iyo xubna ka tirsan ururka Al-Shabaab.

Illa iyo hadda inta la xaqiijiyay dagaalka ayaa waxaa ku dhintay Taliyihii guutada 13-aad ee Qeybta 21-aad Gashaanle Dhexe Cali Maxamed Cagaweyn, Korneel Cabduqadir Maxamed Gasaawe oo ahaa taliyihii howlgalinta qeybta 21-aad ee ciidamada xoogga dalka iyo seddax askari oo kale.

Sidoo kale, sida ay xaqiijiyeen dadka deegaanka kooxda Al-Shabaab ayaa dagaalkii Shalay waxaa looga dilay illaa 7 xubnood halka dhaawaca soo gaaray lagu sheegay inuu kor u dhaafayo illaa 10 kale.

Dagaalka ayaa illa iyo saaka sidoo kale ka socda deegaanka Cadakibir ee hoostaga degmada Guriceel iyo deegaanka Baxdo.

Al-Shabaab oo sheegatay masuuliyada weerarka ayaa guulo ka sheegatay dagaalka ka dhacay deegaanka Cadkibir oo ay sheegeen iney si buuxdo ula wareegeen gacan ku heynta deegaankaasi, islamarkaana ay ku dileen dagaalka sadax askari.

Maalmo ka hor ayay aheyd markii dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab weerar xoogan ku qaadeen deegaanka Baxdo oo u dhaw deegaanka Cadakibir, halkaas oo ay iska caabin xoogan kala kulmeen ciidamo ku sugnaa oo garab ka helay dadka deegaanka Baxdo.