Muxuu gudiga doorashada ka yiri go’aannada ka soo baxay shirkii MUQDISHO

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal ayaa warsaxaafadeed kasoo saaray shirkii Golaha Wadatashiga Qaran ee lagu soo gabagabeeyey magaalada Muqdisho, wuxuuna guddiga soo dhoweeyey go’aanada kasoo baxay shirkaasi.

Qoraalkan ayaa waxaa lagu sheegay in guddiga uu boggaadinayo qodobada lasoo saaray, gaar ahaan dhammeystirka habraacyada doorashada iyo muddeynta xilliga la qabanayo.

“Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal (FIET) wuxuu soo dhoweynayaa go’aannada ay Golaha Wadatashiga Qaran ka gaareen dhammeystirka habraacyadii, muddeynta iyo turxaanbixinta hufnaanta doorashada dalka,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale guddiga ayaa shaaca ka qaaday in heshiiskan uu ku soo aaday xilli adag, isla-markaana loo baahnaa, si looga gudbo xiisadda haatan taagan.

“Heshiiskan ayaa ku soo aaday xilli muhiim ah, baahi weyna loo qabay dardar-gelinta, mudeynta iyo turxaan bixinta hufnaanta doorashada dalka,” ayaa markale lagu yiri warsaxaafadeedka ka soo baxay Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Dadban.

Ugu dambeyn guddiga ayaa ka dalbaday daneeyayaasha doorashooyinka iyo shacabka Soomaaliyeed inay kala shaqeeyaan sidii ay waqtigeeda ugu qabsoomi laheyd doorashada.

Arrintan ayaa ku soo aadeyso, ayada oo Golaha Wadatashiga Qaran aysan shirkooda kusoo hadal qaadin khilaafka ka jira Guddiyada Doorashooyinka ee ka dhashay tallaabadii uu qaaday Rooble, waxayna taasi muujineysaa inay ansax tahay xubnihii laga eryey shaqada.

Si kastaba, heshiiska cusub ee ay gaareen Golaha Wadatashiga Qaran oo ay ugu muhiimsan tahay in doorashada lagu soo gabagabeeyo 40 cisho ayaa ku soo aaday xilli xasaasi ah, isla-markaana ay dood xoogan ka taagan tahay hannaanka doorashooyinka.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii